KOR-DAHAB
_______
Waxaan booqasho kutagnay buurta LAAS-GEEL , casar gaaban ayay
ahayd anigu waxaan xidhanahay khamiis
madaw kabo sandala oo cadcad gacnta bidix waxaan ku wataa taleefankaygii
laabsalaaxa ahaa midigtuna waxay kujirtaa kor-dahab gacanteeda bidix
labadayaduba waxaan si qiiroleh u daawanaynaa abuurka cajiibka ah ee buurta
halmar kama jeedsanayno anigu waxaan is barbar dhigayaa labadan quruxood ee
dabiiciga ah waxaan muran galinayaa in labadoodu hal meel kasoo wada jeedaan
waayo labadooduba waxay kasimanyihiin midabkan cad ee bunniga xiga oh ! Labadooduba waa inyar kamid
ah quruxda inteeda ifka loosoo bixiyay , markale cabbaayadeeda buluu maareega
ah khimaarkeeda cad iyo biinka madaxa u saaran ayaan ku mashquulsanahay ,
xasuustayda ayaa dib iigu celinaysa markii ugu horraysay ee aan iyada arkay
xaafadii 02 ( seeroo hulet ) dabaqii marka lasii fuulayo daalka badnaa kaabadii
bilaa shape ka ahayd ee aan sii kori jiray markan tukaankooda kasoo adeeganayo , ala waan
xasuustaa maalintii iigu horraysay dharkan oo kale ayay xidhnayd , sidan ayay u
dhoolacaddaynaysay , 7 caruur ah ayay dhashay wali se sidii maalintii ayay u
da’yartahay ala alaa waayo waayo iyo 2023 ayaan ku laabtay nafyahay soo noqo ka
imo jigjiga oo imo wakhtigan xaadirkaa iyo laasgeel daawo quruxda deegaankan
ilaahay dhigay inyar hareerahaaga fiiri kordahab waad daawan doontaaye .
Laba maalin kaddib dalxiiskaas wuu noosoo dhammaaday waxaan
kusoo laabanay gurigeenii jigjiga ala farxad waynaa marka aad noloshaada dhan u
hibaysid hal gabadh waxay ku siinaysaa jacaylka dunida yaalla oo dhan , waxaad
ka nabad galaysaa buuqqa ay ku noolyihiin rag badan oo soomaliyeed kuwaas oo
gabadhii noloshooda markii ay shiidka ahaayeen qoftii usoo samirtay laguursada
maalinka ay wax helaan , ala nacasanaa kuwaasi oo abaal daranaa ilahayow iyada
ayaan u hibeeyay noloshayda waana igu ballan inaan garabkeeda ahaan doono heer
walba aan gaadho .
Isla markii aan soo gaadhay albaabka gurigeena
waxaa iga furtay xayaat gabadheenii curad maanta waa 18 jir lix carruur ah ayaa
kayar iyada , waxay kujirtaa fasalka 12 aad ee dugsiga sare ala qurxoonaa
nolushu marka uu ilaahay kugu arsaaqo oori wanaagsan waliba aqoon diimeed iyo
mid maaddiba leh , caruurtii kalena
waakuwaa nagusoo yaacay alxamdulillaah ilahay ayan uga mahad celiyay nimcadaas
uu I siiyay 20 sano ayaan kordahab wada joognaa muddadaas magaranayo hal maalin
oo uu eray xun na dhexmaray iskabadaa inaan erey xanaf leh u quudho iyada e
waxaan habaraa qof kasta oo iyada xumaan la raba , noloshayda ayay kasoo
kaxaysay kuraynimo waxaanay keentay aabenimo , maalintii aan is guursanay ilaa
maanta ma aaminsani in gabadh aan kordahab ahayni jirto iyada ayaan u hibeeyay noloshayda
bilaw ilaa dhammaad iyadna waxay ii hibaysay adduunka ideelkiis ilaayow ii daa
kordahah !
______Dhoolacaddaynteeda , deganida hadalkeeda , dhalaalka
foolkeeda , asturnaanteeda miyir-qabkeeda iyo kumannaan astaamood oo wanaagsan
ayaa qalbigaygii haweenka u haysan jiray aalad lagu madadaasho u rogay mid jilicsan
una nugul haweenka.
Kahor intii aanay indhahaygu qaban kor-dahab waxaan ahaa mid
qallafsan haweenkana waxaan ka aaminsanaa inay yihiin sidii kiniin xanuun
baabiiye ah kaliya marka aan dareemo sababta aan kali u ahay halka raga qayrkay
ahi ay jacaylo leeyihiin , haa su’aashaas
marka uu qalbigu igu gaado ayaan sidii indhoole ay ka dhacday ushiisii u
haab-haabtaa taleefanka si aan u waco mid kamid ah hablaha taleefanka iigu jira
, ala cadaalad xumaayee Kor-dahab horteed hal habeen ayaan mid kamid ah
gabdhahaas la kaftamaa sidii anigoon la’anteed noolan karin hal saac gudihii waxaan la dhisaa fooq
jacayl oo sidii burji khaliifa u dheer balse nasiib darro marka uu xanuunka kalinimadu
isii daayana dabaqaas waan dumin jiray waxaaban ka xanaaqi jiray haddii ay
qoftaasi subaxda isoo wacdo , balse taas lidkeeda caawa taleefankayga ma
aaminsani in gabadh kale kujirto lambarkeeda ayaan dul taaganahay “kor dahab” magacaas ayaan ula baxay
ilaa markii aan jeclaaday kadib cajiib qoftaasi maxay kaga duwan tahay
kumanaankii gabdhood ee aan ku ciyaari jiray sideen uga baqayaa xattaa inaan
farriin gaaban u diro nafyahay ciyaarta igadaa .
Dhawr sano oo aan ku dhex wareersanaa mawjdaha xiisaha
haweenka iyo xidhidhda madhalayska ah
waa markii koobaad ee aan dareemyo cabsi intan le’eg waxaan dareemayaa in
wadnahaygu garaacmayo in kabadan sidii caadiga ahayd , masuuliyad ayaa I
fuushay ilaa markii aan iyada bartay , naftaydii khiyaalka isku maaweelin
jirtay ayay noqotay hage xaqiiqada tusa
, waxay I siisay koorso degdeg ah oo la xidhiidha qiimaha haweenka , nolosha
jacaylka ayay iga tustay dhanka wanaagsan , maskaxdayduna waxay wareegatay In
kabadan 360⁰ , markaliya ayaan arkay anigoo kujira nolol qoysnimo ah ,
noloshayda waa markii iigu horraysay ee aan kafakeray lammaane run ah iyo nolol
dhab ah khiyaalkayga ayaa ii qaaday 20 sano kadib .
_____________________________________
Riyadu waxay u qurxoon tahay Sidii kor dahab oo kale ! Waayaha adduunku waa
laba wajiile balse ilaahban wanaag ka rejaynayaa .
Aniguna kor-dahab
Kaarkii cishqiga
Wuu ila kacoo
Igusoo kacayoo
Igu laba kaclee !
W/C: ABDIFATAH ADEM ( ENGINEERKA )
Febraury 2026 !

Comments
Post a Comment