KA : SAAXIIBKAA RUMAAD
>
Dunida dadyow kala duwan ayaa qeexitaano kala duwan dulsaaray , qaar waxay ku tilmaameen garoon , qaar waxay ku sheegeen beer , kuwana inay xabsi inay tahay ayay ku sifeeyeen . dadku aragtida way ku kal duwanaan karaan waaan midda micnaha u yeesha nolosha in shay nin la qummani uu mid qawado , in wax uu midi ku hamiyayo ku kale hiifo , sunnaha nolosha ayaa sidaas as qofba wuxuu saaraa qeexitaanka uu isagu markaas ku qanacsanyahay .
Dunida waxaan u arkaa sida mirqaanka oo kale , qofka qayilaa inta aanu geedkaas cunin waa xaraaro oo wuxuu doonayaa inuu helo , marka uu hayana waa mirqaan oo cirkuu marayaa , marka uu dhammeeyana waa qaaddiro oo hurdada ayay xisaab isku leeyihiin . meertada noocaas ah ayay dunidu lamidd tahay . maalinta uu jeebku kaa madhan yahay waa xaraaro , waxaad ku hammiyaysaa inaad xoogaa hesho , marka aad hesho waad isla maqantahay mirqaan awgii , marka ay kaa dhamaatana waxaad la mid tahay mid qaadiroonaya . dhankaasi waa dhankii dhuuniga iyo jeebka . aduuunyadu markale waa saaxiib laba wajiile ah maalin way kula kaftamaysaa oo intay bun kuu shubto kabahana kaa dhalaaliso kusoo dhawaynaysaa . maalinna way kaa dhuumanaysaa oo inta daaha gadaashiisa soo istaagto amaba si toos ah kuugu timaado dhooqo afka kaaga dhufanaysaa dabeetana adoo afka qolof ku leh sidii nacabka kugu orinaysaa , way kuu lug wareejinaysaa oo waji maleh .
Saaxiib haddii aan is dhaho tusaalayasha adduunkani soo qaado ka dhammaan maayo , balse mid ogow waxaan kuusoo qaadanayaa tusaalihii ugu dambeeyay waanna ka runta , saaxiib inta aanan daaha ka faydin runtaas horta saaxiib saw ma ogid inaad tahay qofka dunida ugu qalbiga wanaagsan , saaxiib saw ma ogid inaad leedahay shaksiyad ay nadir tahay in la helaa , saaxiib saw lama socotid inaad tahay kii ugu wanaagsanaa ee aan la kulmay intii aan ku jiray safrkii nolosha , saaxiib inaad ogaato uma baahnid waayo waxaan ogahay inaad markasta ku nafisto hadalkii alle wayne ee ahaa “يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ” hayyeh “إِلَّا مَنْ أَتَى اللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ” , intaas ayaa caddayn iigu filan inaad tahay dheeman uu alle wayne ii hadiyeeyay . saaxiib inaad ilawsantahay waa laga yaabaa dunida waxaaa tusaale inaga siiyay kii ugu sharaf badnaa koonkan aynu ku noolnahay MUSTAFE INA CABDILLAHI C.S ee ahaa “adduunyadu waa sida wado oo kale” saaxiib ma wadadaas ayaad moodi doontaa hoy lagu nasto oo waxaad ka samaysan doontaa guri dabeetana baabuur xamuul ahi kugu kala jari doonaa ? alle kama dhigee , mise saaxiib waxaad wadadaas ku dhaafi doontaa adiga oo ah nin ilbaxsan oo feejigan? , saaxiib wadadaas ma waxaad goyn doontaa inta uu traafigu gacanta kor u hayyo ee uu baabuurta kaa joojinayo ? , mise marka ay laydhashu cagaar noqdaan ayaad dhex ordi doontaa ? .
Saaxiib qaalli waad ogtahay in rajada aan kaa leeyahay ay tahay inaan arko adigoo nolosha guulaystay adigoo ku fadhiya kursigii aad ii sheegi jirtay inaad jeceshahay , ma intaas unban kula doonayaa saaxiib ? maya saaxiib waxaan rabaa inaan jannada jaar ku noqono si markasta aan kuusoo booqdo adigoo hoygaagii jannada kujira .
Saaxiib alle ayaan kugu dhaarshee wanaaji xidhiidhka aad ilaahay la leedahay , haddiii aan kaaa horreeyo iyo haddaan kaa dambeeyaba , intaas ayaan ku nafisi dooonaa .

Comments
Post a Comment