WALIGAY KUMAAN NICIN
Subax isniineed ayay ahayd jawigu saaka waa degan yahay roob
shuuc ah ayaa xalay magaalada helay neecawda qabaw ayaa sanka kaa qaasaysa , boodhkii kabaha markaaba ku dhegi jiray
saaka majiro , dirayskii markaaba kaa wasakhoobayayna laga raysay , cadceedu
saaka waxaad moodaa inay heshiis lasoo gashay kumanaankan arday ee dawgaa dheer
haya oo cidna gubi mayso cidna qabaw ka caban mayso , jawiga sidaas u macaan
waxaa ii wehelinayay dirayska aan wato oo cusbaa dhammaan shucuurtaas ayuu
toddobaadkan cusubi ku bilaabmay , dawga dheer ee magaalada dhanka koonfureed
uga baxa ayaan saaranahay aniga iyo kumanaan arday oo kala jaad ah waxaan kusii
jeednaa dugsiga oo duleedka maalada kuyaalla , ilaa masafo dhan laba
kiiloomitir ayuu magaalada bannaanka ka yahay fogaanta intaas leeg gabdho oyo
wiilalba waa la lugeeyaa majiraan gaadiid ay dawladu ardayda ku qaado amaba mid
gaar loo leeyahay oo ardayda halkaas gaadhsiiyaa , sidaas oy tahay ardaydu dhammaan dugsiga
sideeda subaxnimo way ku dhan yihiin ,
taasi waxay caddaynaysaa sida aqoonta loo danaynayo iyo dhiiranaanta
ardayda , inta dawgaas lasii socdo dadku koox koox iyo kali kaliba wuu u socdaa
, ninba kii ay sheeko iskugu baxaysaybuu la hayaa , anigu saaka walaashay oo
aanu isku fasal nahay waatii aan iyadoo quraacanaysa kassoo dhaqaajiyay kolayba
jawigaa isoo eryay , kalibaan ahaa ilaa aan kasoo gaadhay meel dhexe ,mar aan
xiimayo oo aan mawjado hilaw ah ku dhex jiro ayaan ka war helay gabadh
garabkayga socota waa hayat waxay kamid tahay ardayda aanu isku fasalka nahay waliba
kuwa safka hore fadhiista marwalba oo uu macalinka xisaabtu soo galo waa
ardayada kaliya ee macalinka la jiibisa sharraxaada , waxay kasoo jeedaa
qowmiyadaha kala duwan ee itoobiyanka ah oo soomaaliyad maaha afka soomaaligana
waxba kama taqaano , sidaas o ay tahay hadana waa qof bulshaawi ah wajigeeda
furan iyo dhoolacaddaynteeda ayay dad badan ku kasbatay aniga iyo iyada wax
aqoon shakhsi ah nagama dhaxayn aan ka ahayn inaan marmarka aan ardayda
xaadirinayo aan u tago o lambarkeeda waydiiyo maadama aan ahaa horjoogaha
fasalka , aroortaas hayat way i salaantay salaan kaddib waxaan is dhaafsanay
wada sheekaysi aan sii badnayn oo aanu ku wada hadlaynay luqada englishka o
aanu labadayaduba jajabsanaynay , anigoo yar ayaan luqada kasoo Bartay dugsii
ugu caansanaa magaalada berigaas waa dugsi ay garanayaan badiba dadka magaaladu
xoogaagii ayaan hayat ku dul practice gareeyay , wada sheekhaysi aan badnayn
kadib waxay iisoo fidisay buug yare
nooca exercise book loo yaqaab ah waan ka qaaday oon fiiriyay waxaa kuqornaa
casharadii aanu ku dhigabay maadad kimistariga balse maan fahmin sababta ay
iigu dhiibtay mardambe ayaan fahmay inay
igu leedahay adigaa iskaleh , dhabtii sikinkaas wuxuu noqday kii iigu farxadda
badnaa gabi ahaanba beryahaas , runtii waxaan galay jawi farxadeed oo sii
biiriyay farxaddii dabiiciga ahayd ee saaka eebe degaanka kaga farxiyay ,
farxaddaas saa'idka ah wixii keenay miyaad i waraysatay , aan kaaga warramo e i
dhagayso : Maalin khamiis ah anigoo
ardayda xaadirinaya goor fasax ku dhaw ayaan buugtaydii ka dhex waayay buuggii
kimistariga waxyar kadiba intan ardaydi so hor istagay ayan waydiiyay inay
buugaas ii baadigoobaan se wax natiijo ah ma helin maalintaasna sidaas ayaan ku
baxay , maalintii xigtay ee jimcihii
ayaan ardaydii markale soo hor istaagay oo ka codsaday in haddiiba uu qof arkay
uu buugaygii iisoo dhaweeyo cidse aragtay waan waayay runtii toddobaadkaas
wuxuu ii aahaa kii iigu adkaa ee isoo mara waayo waxaa soo dhawaa dhibco
ururiskii oo qofka buuga wuxuu ku qoray ayaa la qiimeeyaa dabeedna dhibco lagu
siiyaa waxaan ka warwarsanaa dhibcaha i
seegi doona , ta kale haddii aan is idhaa soo qor casharadii lasoo dhigay aad
bay u badan yihiin oo kamasoo gaadhsiin karo maadaama aan habeenkii shaqayn
jiray xaalku sidaas ayuu ahaa sabtidii iyo axadii oo aan iskuulka fasax ahayn
wax ficil ah ma samayn buugii hore ayaan rejo ka qabay inaan heli doono isniintiina waatan hayat
buug kale iisoo
qortay imika inaad fahantay ayaan rejaynayaa wixii keenay farxaddaa saa'idka ah
.
Maalinimadii markii aan iskuulka kasoo laabtay ilaa iyo
habeenimadoi waxaa maskaxdayda ka dhex guuxayay dhacdadii saaka na dhex martay
aniyo hayat dhabtii waan u qaadan la'aa sida qof aanan hore isku aqoon uu
wanaaggaas u samayn karo , sidoo kale waxaa maskaxdayda ka dhex guuxayay
qaabkii aan uga falcelin lahaa dhacdadaas auy hayat samaysay , waxkasta oo qof
abaal loo galay loogu abaal celiyo ayaa maankayga sidii filin u hor imaanayay ,
ugu fambayntii se waxaan go'aansaday inaan hayat abaalkeedu ha dambeeyee marka
hore warqad u diro aan ugaga warramayo aan i diro waxaan garan waayay luuqad
aan ugu qoro amxaari ma aqaan haddii ay iyadu u dhalatay , af soomaalina ma
taqaan haddii aan anigu u dhashay , luqada englishka ayaan u arkay inay naga
dhaxayn karto , salaadii cishaaiga kaddib ayaan xaafadii iskasoo xaadiriyay waxaan
hore kasoo qaatay warqad bayaad ah iyo qaling barigaa socon jiray oo afar kalar
ahaa , qolkii aan xaafada ka daganaa ayaan hoosta kasoo xidhay si aan la iiga
jiidhinba , waxaan isasoo hor dhigay mobile
kaygii izuz ka ahaa oo aan iga dan lahaa inaan ereyada igu adkaada dictionary
ga waydiiyo , lfeker dheer kaddib waxaan
soo gabagabeeyay warqaddii waaan xasuustaa inaan ugu dambaysiiyay weedh la
macno ahayd “abaalkaahi waa aniga naftayda” “your reward is my soul"
warqaaddaas ayaan subaxnimadii salaasada kula kallahay hayat markii aan fasalka
iskugu nimidba waxaan giddoonsiiyay warqaaddii .
Maalintaas kaddib hayat gabdhaha kale ee fasalka way iiga dhawayd waxaan noqonay asxaab kaftanta iyo waliba laba dadka iskaga dhaw , xidhiidhkaas saaxiintinimo aadbuu u xoogaystay mararka qaar hayat taleefanka hooyadeed ayay igasoo wici jirtay waxaanay ii sheegi jirtay inaan xaasdooda ugu imaado anigana runtii waan la dhacay tagitaanka xaafadooda waxay i fadhiisin jirtay fadhiga TV-gana idaacada Ethio Cinema ayay i shidi jirtay runtiì waan la dhacay qaabka ay iisoo dhawayn jirtay muddo markii uu caalku sidaas ahaa maalin maalmaha kamida aniga oo gurigooda jooga ayay hayat igu tidhi caawa cishaiga kadib xafada igu kalay “hayye" ayaan ku idhi anigoon filayn in wax cusubi jiraan ilen awalba wan u tgi jiray balse manta wakhtiga ay i yedhay ayaa igu cusbaa se amarkaas sidiisa ayaan u qaatay wax dood ah kamaba keeni karo ileen , cishaai kadib ayaan albaabkooda hortiisa soo istaagay iyadna waabay isii sugaysay markiiba waxay gaanta iga saartay bashqad yar ay kijiraan tusbax saddex iyo soddonle ah iyo cadar nooca ragga ah , dabeetana iyadoon hal eray i odhan albaabkoodii inta furtay hore u gashay dabeedna intay qoorta lasoo baxaday ayay igu tidhi “Abdi” hee ayaan idhi “i love you” ayay igusoo tuurtay dabeedna albaabkii hore u xidhay habeenkaas waxaan galay jawi ka duwan kuwii aan aqal hauat kagasoo hoyan jiray waxaan dhex dabbaashay mawjado jacayl iyo qiiro ah hurdadii ayaan habeenkaas meel walba ka raadiyay se waan ka waayay . Habeenkaas wixii ka dambeeyay aniga iyo iyaduba waxaan noqonay laba nafqaybsi leh waxaan marwaliba isku diri jirnay farriimo kalgacal sidaas ayuu xishiidhkeenu ahaa ilaa lagasoo gaadhay sannadkii 2020 waa xilligii uu fayraskii karoonuhu dalka irtoobiya iyo dunidaba aadka ugu faafay maalmahaas ayaa dugsigii oo ahaa meesha kaliya aan aniyo hayat sida joogtada ah ugu kupmj jirnay la xidhay halkaasma waxaa ka bilaabmay arooro aanan is arag mararka qaar aan xaafadooda ugu tago iyo marmar aan suuqa ku kulano mooyee jaanis kale oon iskù aragno wuu iska yaraaday , muddo ayaa kasoo wareegtay inta aanan hayat muuqeeda arag codkeedana maqal inkasta oo aanay jirin wax xanaf ah o nakala gaadhay hadana midkaayan ka kale ma wicin , mardambe ayaan raafinteeda bilaabay balse iimay suurtagalin inaan helo waxaa la ii sheegay inay girigodii ka guureen o ay jigjiga u guureen talo ayaa igu caddaatay taleefankii hoyaded o anan waligay ka wicin inay igaso wacdo moye ayan ka wacay nasiib xumo ma shaqaynayn waan iska samray in aan is heli doono ayan niyada ku dhistay .
Maalin ciid ah ayaan so fadhiistay mid kamid ah kafeyeriyoyinka magalada waxa agtayda so fadhisatay laba kamid ah arday aan isku fasal ahayn o gabdho ah hayatna ay iska ag dhawaayeen waxay ii sheegeen in hayat ay guursatay oo hadda jigjiga ay degggan tahay warkaas naxdinta leh ma rumaysan waxaan u tafaxaytay inaan soo xaqiijiyo jiritaanka warkaas ugu dambayna waan soo xaqiiqsaday in hayat ay ninkale guri ugu jirto
“Tawaawaca maarmi waaga
Maxay talo igu adkaatay”
Waan ku qancay qaddarkaas hayatna waxaan sugayay uun inta ay maalin uun indhahayga so hor istaaayso si aan j waydiiyo sababta ay sidaas iigu samaysay anigoo jecel . Markii iskugu kaaya horraysay ee aan hayat kulanay ayaan waxwalba ohaaday waxaan fahmay inaysan iyadu qaladka lahayn xidhiidhkayagiina aanay beerka ka laadin ee ay qabsatay arrin iuada xattaa ka awood badan . Maalintaas ayaan cafiyay una sheegay inaan ku faraxsanahy nolosheeda ayna hore usocoto .
W/C ABDIFATAH ADEN

Comments
Post a Comment