wadnaha Afrika | wax ka ogow dalka burundi

Dalkani wuxuu dhacaa badhtamaha qaarada Afrika wanna dal aan gabi ahaanba lahayn wax bad ah . Dalkani waxaa wada daga labada qoomiyafood ee uu dhex maray dagaalkii sokeeye ee ugu xumaa taariikhda, dalkani waxaa mamnuuc ka ah gabi ahaanba orodka , sidoo kale waxaa dalkan ku taalla harada labaad ee ugu wayn guud ahaanba caalamka .

Dalka burundi oo sidoo kale lagu naanayso wadnaha Afrika waa mid kamid ah wadamada ugu horumarsan isalmarkaana Astana u ah horumarka qaaradani Afrika, dalka burundi waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo dhex maray laba qowmiyadood oo walaalo ah oo wada daga dalkaasi . Dagaaladaas muddo dhawr iyo labaatan sand ah kaddibb burundi waa mid kamid ah kuwa ugu dhaqaalaha , waxbarashada iyo Ramadan wanaagsan Afrika. Dalkan waxaa daga labada qawmiyadood ee hutuga iyo tutsiga HUTU waa dad beeralay ah waana dadka ku badan dalka burundi , inkasta oo ay tala dalkaasi mudo badan soo hayyeen qowmiyada laga tirada badanyahay ee TUTSI oo iyagu inta ugu badan maamulayay ciidamada sidoo kalena dhaqaalaha dalka gacanta ku hayay.

Labada qowmiyadoodba waxay ku hadlaan hal luuqad iyo sidoo kale waxay leeyihiin hal dhaqan , kala duwanaanshaha ugu badan waxaa abuuray gumaystihii reer yurub oo dadkaas u kala qaybiyay isagoo ku salaynaya isirkooda.
waxaa ay dadka reer burundi dhaqan u lahaayeen inay gucleeyaan subaxdii maalmaha sabtida iyo axada , Intii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalka burundi waxay ay dadku bilaabeen inay kooxo isku raacan marka ay yaacayaan iyagoo ka cabsi qabay inuu cadaw qabto , tan ayaa keentay in ay dawladu gabi ahaanba mamnuucdo jimicsiga noocaas ah . Haddii aad ku nooshahay dalka burundi aadan u baahato inaad jimicsi orod ah samayso waa inaad ku biirtaa mid kamid ah sagaal kooxood oo ay dawladu aqoonsantahay islamarkaana fasax ka haysta dawladda dalkaas si ay u jimicsadaan .

Dalka burundi waxaa ku taalla harada labaad ee ugu wayn gabi ahaanba caalamka, marka laga imaado harada fiktooriya oo ah ta koobaad waxaa kaalinta labaad soo gasha harada tanganyika oo ku taalla dalka ruwanda .

Dalka burundi wuxuu kasoo qayb qaadatay ciyaaraha olombikada ilaa iyo sannadkii 1996 , balse ilaa lagasoo gaadho sannadkii 2016 ciyaaryahanada reer birundi ee kaqayb galayay tartankaasi kumay guulaysan wax billad ah .

Comments