HODANLE BASAASTAY .

Dadku waa laba mid uun : Hore u gubato xoolo leh iyo hodanle basaastay , soomaalidu labadaas kuwa dambe inay yihiin ayaad dhab u ogaan . ________________________________________________
Qofkii doonaya in uu nolosha wajiyadeeda badan wax ka ogaadow , waxaa lagama maarmaan ah inaad ka dhaqaajisid guriga hooyadaa waaba ninkii hooyadii ag joogee , waxaan kuusoo jeedin lahaa si kastaba ha u adkaato , duruufo kastaana hakugu gadaamnaadaane inaad dunida u kacdid , kama wado waxbatashada aad kujirto jooji , shaqada aad subax kasta u kallahdo halkaa kaga hadh , balse waxaan ku leeyahay 10 cishana ha ahaatee bal waxaad isku daydaa inaad u kuurgasho nolosha aanay xaafadiina ka dhawayn waxaad ogaan doontaa waxyaalo aadan iskuulka ku baran waligaa , waxaad yaqiinsan doontaa dhacdooyin hore kaaga dahsoonaa , waxaad fahmi doontaa qaaciidoyin aan kujirin formulayoonkii badnaa ee fiisigiska , waxaad wax ka baran doontaa nolosha ay ku noolyihiin masaakiinta aroortii xaafadiina idinkusoo qaraaca bal inay idinka helaan midh canjeero ah , waxaad ogaan doontaa sida uu dareemo wiilka axmaarka ah ee kabaha kuu masaxaa marka aad ku jeesjeesayso , waxaad soo baran lahayd xerowga masaajidka dikriga ku hayyaa sida uu ugu boholyoobay xeedho loo sii daboolay oo inta kulayliso lagusii riday uu aayar dul kambadhuudhsado , waxaad wax ka ogaan lahayd nolosha darbijiifka aad habeenkii adoo asxaabtaada lasoo caweeyay gurigiiniina kusii hoyana aad gidaarada ku dhaafto isagoo bac isku mooriyay , si dhab ah ayaad u fahmi lahayd qiimaha ay leedahay walaashaa macaanta aad canaanta dhagaha kaga jarto marka ay saadhka kuu feeran waydaa , si dhab ah ayaad u ogaan lahayd gabadha weelka xashaa shaqada ay kuu hayso , kal iyo laab ayaad u dareemi lahayd qiimaha shay kasta oo agtaada aan qiimo ka lahayn maanta inta aad xaafadiina ku sugan tahay . Waxaad soo ogaan lahayd qofka muslimka ah qiimihiisa dhabta ah , waxaad soo ogaan lahayd marka ay dhab tahay in muslinku yahay maciinka ugu dhaw , waxaad si aan madmadow ku jirin u ogaan lahayd sida ay soomaalinimadu u tahay hanka halka ugu sarraysa , dadka soomaalida ah ee maanta aad is leedahay ummadan kadeedka badan , waan hubaa inaad kadeedkoodaas aad si dhab ugu boholyoobi lahayd , qofka aan soomaaliga ahayn e luqadaada hal eray ka yaqaan ayaad fadhi ku casuumi doontaa , adigoo ku dhawaysanaya hal kalmad oo kuugu wacay . Dadka soomaalidu waa dadka ugu qanisan intii aan qof arkaayay , igama aha inaan ugu xaglinayo macadamia aan iyaga ka dhashay balse waa wax aad soo ogaan doonto marka aad iyaga ka fogaato . Qiimaha dhabta ah ee soomaaliga waxaad ogaan doontaa maalinta aad ku dhex xanuusato dad aan iyaga ahayn , si dhab ah ayaad u jeclaan doontaa soomaalinimada , marka aad ogaatid inaad iyaga ka dhalatay waad nafisi doontaa . Jiidhka ayaa ku jidhidhicoon doona marka aad soomaali aragto , kadeedkooda , qayladooda iyo caydoodaba waxaad ogaan doontaa in uu jacayl farabadani ka hooseeyo , waxaad si qumman u fahmi doontaa ninka axmaarka ah ee kuugu waca kelmadda "wendimme" ( walaalkayoow ) in uu kaaga dhawyahay soomaaliga isirkaaga caayaa , maahan inaan jacayl soomaalinimo dartiis ugu xadgudbayo wanaaga dad aan soomaali ahayn , ase adiguba waad ii garaabi doontaa habeenka uu gabbal kuugu dhaco dhul aan kan soomaalida ahayn , waxaad fahmi doontaa in dagaalada iyo colaadaha sokeeye ee soomaalidu yihiin wax aad iyo aad u dhibyar in la xalliyo , marka la dhawro wanaaga ay dhaladka u leeyihiin , allaha "facaalu limaa yuriidka" ah ayaad qummaati ugu mahad naqi doontaa ... ""Walaalkayga soomaaliga ahoow dhibaato kasta oo aad ii gaysatay cafis ayaan kaaga dambaysiiyay , xumaan kasta aad igu fashayba waxaan kasoo qaaday inaad jacayl ka wadday , dagaal kasta oo aad igala hortimi inuu ahaa muxibo aad igala maqnaan kari wayday ayaan u arkaa"" Waa markii aan soo ogaaday qiimahaaga dhabta ah , waa markii aan soo waayay cid adiga kaa uursan, waa markii aan dhinac kastaba u kacay ee ay Indhahaygu adiga uun kugu dageen ..... Ummadihii aan soo arkay waxay ahaayeen dad kuwii ugu wanaagsanaa , ugu martisoor diirranaa , balse waa haddii aanay soomaalidu jiri lahayn . Iskusoo wada xooriyoo adduunyada dhinac kastaba u kac oo masoo heli doontid bulsho sida soomaalida iskugu dhmirisa , is taageerta , is garab siisa , cid kastaa ha sheegto qabyaalada sida ba'an u dhantaashay dadkaygii e , waxaan marnaba la dafari karayn in soomaalidu tahay dadka ugu dunta wanaagsan .

Comments