Sidee ayuu wiil 15 jir ahi ugu dhacay systemka NASA Iyo wakaalada difaaca ee dalka maraykanka
Sidee ayay wiilyar oo 15 jir ah ugu suurtagashay inuu faragalin ku sameeyo habdhiska difaaca internetka ee wakaalada cirbixiyeenada NASA iyo waaxda difaaca dalka maraykanka ee loose gaabiyo ( DoD ) , isaga oo ka xaday macluumaad aad u tiro badan iyo waliba inuu farriimo khalkhal galin ah u diray ku dhawaad 3300 oo qof oo katirsanaa waaxda difaaca ee dalka maraykanka oo ay kujireen 10 sargaal oo sare .
kusoo dhawaada warbixin kooban oo ku saabsan mid jamid ah dhicii Internet ee ugu waynaa qarnigii ina dhaafay .
__________________________________ Jonathan Joseph James oo ahaa hacker reer maraykan ah , oo kasoo jeeday gobolka florida ayaa noqday wiilkii ugu horreeyay ee ka gaysta faldambiyeed internerka ah amaba loo yaqaan ( cybercrime ) gudaha maraykanka . Intii u dhaxaysay 23 ogos ilaa iyo 27 October sannadkii 1999 James ayaa hack gareeyay shirkado kala duwan tan ayaa James ku dhalisay sidii uu usoo dhici lahaa xogta dawladda maraykanka , Mr James ayaa awooday inuu gudaha u galo mid kamid ah waaxaha difaaca ee dalka maraykanka iyo waliba inuu kujiro isagoon laga shakiyin in muddo ah , muddadan uu ku dhex jiray system ka wasaarada diffaaca ee maraykanka wuxuu James farriimo u diray in ka badan 3000 oo kamid ahaa shaqaalaha isagoo sidoo kale la baxay macluumaad qiime ahaan u dhiganta $1.7 million .
Mr James markii la ogaaday ayaa waxaa gurigiisa ugusoo daatay ciidamada difaaca ee maraykanka iyadoo lagu xukumay 7 blood oo xabsi guri ah iyo inuuna isticmaali karin kombiyuutar , sidoo kale waxaa lagu qasbay inuu farriimo raaligelin ah u diro wakaalada NASA iyo waaxda diffaaca e maraykanka .
Nala wadaag fekirkaaga ku aaddan James, mase jeclaan lahayd warbixinnada noocan ah inaan soo badino .

Comments
Post a Comment