DAYACA WAALIDKA .
Wadada ayuu goynayay waxaa ka muuqday rafaad iyo daal dheer , lug ayuu ka socon la'aa , bakoorad ayuu ku tukubayay , bajaj iyo gawaadhi bilaa naxariis ahina way ka istaagi la'aayeen . Waan kusoo leexday ma somaliba mise maaha ayaan iswaydiinayay intii aan kusii socday , waa soomaali waxaan waydiiyay adeer ma wadada ayaan ku dhaafiyaa , haa ayuu i dhahay , markii aan wadadii tallaabiyay ayaan waydiiyay adeer xageed ku socotay halkaas ayaan fadhiisan ayuu iigu jawaabay intu meel aan naga durugsanayn farta iigu fiiqay , qabiilkiisa ayuu ii sheegay anigana wuu i waydiiyay waan usheegay . Waxyaalo badan ayuu i waraystay wuxuu u muuqday qof hadal badan hayyo oo cid waraysata u baahnaa . Sheeko dheer kaddib jeebka ayuu gacanta galiyay wuxuu kasoo saaray buug bangi waxaa ku dhex laabnaa sawir , wuxuu ahaa wiil dhalinyar ah oo suudh madaw xidhan , wuxuu igu dhahay waa wiilkaygii , america ayuu joogaa , hooyadiis ayaa kaxaysay isagoo yar america ayuu ku koray hooyadiina imika way dhimatay . Waxaan u fahmay in wiilku uu aabihiis dayacay inkasta oo uunan duqu wax cabasho ah ka muujin dhanka wiilka haddana si dareen leh ayuu sawirkaas ii tusay . Ugu dambayn adeero waanu kala tagnay lkn waxaan la qiirooday ubadka waalidkood sidaas u dayacaya ee iyaguna nolol gacan kurimis ah iskaga daanshadaanshoonaya .
Waalidka hala ogaado .
Wed, 24 july 2024 7:00AM
Diredawa, Ethiopia
Waalidka hala ogaado .
Wed, 24 july 2024 7:00AM
Diredawa, Ethiopia

Comments
Post a Comment