WAAYIHII WALQIIDDE ( PART TWO )
bas ay saarnaayeen dad ka badan 30 qof ayaan kaligay ahaa soomaali , masaafo dhan 156 KM ayaan dhanka koonfureed uga baxay addisababa 3 saacadood kaddib waxaan joogay WOLKITTE CITY . WOLKITTE waxay dhacdaa dhanka koonfur galbeed ee dalka itoobiya waa caasimada GURAGE ZONE waxaanay ka tirsantahay deegaanka SNNP ( SOUTH NATIONS NATIONALITIES AND PEOPLES ) Soomaaliduna ay u taqaano DEBUB KILIL . waaxaan bajaj contract ah ka qaatay magaalo hoosaadka GUBRE oo 2KM u jirtay bartii aan kusocday oo ahayd WOLKITTE UNIVERSITY mar ay goorsheegtu ku beegnayd 5:00 galabnimo 9 march 2023 ayaan soo gaadhay albaabka way nee jaamacada waxaan markiiba dareemay farqiga dhaqaale ee u dhexeeya JIGJIGA iyo WOLKITTE jigjiga marka aad bajaaj contract ah ku sacotid 2KM waxaa lagaa qaadi ugu yaraan 50 BIRR balse wolkitte waxaa lagaa qaadi 10 BIRR . albaabka waxaa ku qornaa slagon u dhignaa “we strive wisdom” baadhitaan dheer kaddib waxaan gudaha u galay jaamacada runtii waxaa I farxad galisay qaabkii la iigusoo dhaweeyay jaamacada oo aan aad ugu qancay ururka ardayda ee jaamacada ayaa aqoonsiyo u gaar ah siiyay boqolaal arday si ay usoo dhaweeyaan ardayda cusub ee FRESHMAN-KA ah qofkii kasta ee soo galaba waxaa u imanaya laba qof oo gelbinaya ilaa dorm-igiisa taas ayaana aad ii qancisay . markii aan degay alaabtiina qufushay ayaan kasoo baxay qolkaygii cusbaa oo aan ugu tagay laba nin oo aan soomaali ahayn magacdooda maan waydiin sheeo kalana lamaan bilaaban ee intaan salaamay ayaan aayar usoo baxay si aan salaada usoo tukado , misaajidku wuxuu u yaallaa bannaanka balse markaas maan tagin masjidka waxaan ku tukaday meel aan masjid ahayn balse ardaydu qarsoodi u samaysteen oo ku taalla jaamacada gudaheeda , jaamacada waxay ahaayeen daqiiqado ku suntanaa cajiib waxaan arkayay cadceedda oo godka sii galaysa , dadyow kala duduwan oo is dhaafaya iyo aniga oo kaligay indhaha meermeerinaya waxaan u qaadan la’aa sida aan u dhex joogay kumanaan qof oo uuna kujirin saaxiibkaygii aan la kaftami jiray . habeenimadii ayaan imid qolkii markaas ayaan bilaabay inaan isbarano asxaabtayda cusub MULUKEN TASHALE HAILE ayaa magaciisa ii sheegay anna kaygii ayaan u celiyay sidoo kale GIRMA YU’AMO KILLISA labaduuduba waxay ka imaadeen isla deegaankan aanu joogno ee DEBUB KILIL , balse waxay kazoo kala jeedaan laba qoomiyadood oo kala duwan . waaberigii markii ay salaadii subax gaadhay ayaan usoo baxay dhankas iyo masjidkii maadaama aanay suurtogal ahayn inaan salad kutukado qol ay joogaan laba qof oo aanu kala diin nahay . waxaan soo daba galay laba nin oo aan dareemay inay salaada u socdaan iyaga ayaanan iska daba socday ilaa masjidkii aan soo gaadhnay , salaadii kaddib waxaan waydiiyay laba nin oo wada socda “café yetnew” oo aan ula jeeday café-ga ii timaama nasiib wanaag waxaabu ahaa ninkii saaaka salaada subax na tujiyay , sheekhii codka macaanaa waaba isagii nasiibka ayaaa ila kulmiyay wuxuu iigu jawaabay “nah ka inya gar” anagaaba usii socona ee kaalay na raac . café-ga waxaa lagu galaa ID CARD balse laba café ayaa jira FRESHMAN CAFÉ IYO SENIOR CAFÉ labada nine e aan soo raacay waxay ahaayeen GC oo labadooduba waxay kujireen sannadkii shanaad intii aanu u soconay café-ga ayaan is abaranay waxaa isagu aad iisoo dhaweeyay ahaana ninka aan kubaxsaday aroortaas imaamkii na tukinayay waa DELHA wuxuu kujiray sannadkii shanaad ee waaxda CIVIL ENGINEERING , markii aanu nimi café-ga wuxuu ii sheegay in ID la’aan aan la gali Karin balse uu isagu saaka I maarayn doono halkii ayaanu ku wada quraacanay aan idhaahdee kuwada shaahaynay hhh waa rag sin dheera oo lagu leeyahay midh rootiya ku quraacda waa qosol kale iyaduna e waxaa fadhigaas nagu wehelinayay delha saaxiibkiis FALAHUDIN oo ahaa arday kujira sannadkii shanaad ee MACHINICAL ENGINEERING laba engineer ayaan ku bilawday subaxdii koobaad mise laba sheikh ayaan idhaahdaa maadaama labaduuduba ahaayeen gudida ugu sarraysa ee URURKA MIDAWGA ARDAYDA MUSLIMIINTA AH EE JAAMACADA WOLKITTE , labada injineer waxay ii sheegeen in quraacdu aanay ahayn sidan maalin kasta balse arbacada iyo jimcaha uun ay sidan tahay maalmaha kale waa FIRFIR laba cisho ah iyo BARIIS-ROODHI saddexda maalmood ee soo hadhay CAJIIB ! . maalin jimce ah 10 march ayaan qaatay ID CARD-kaygii sidoo kalena aan soo eegtay galaaska aan wax ku baran doono , nasiib wanaag waxaan kamid noqday 60 qof 57 waa rag 2 waa dumar ( EKREM IYO BAKELESH ) . maalmahan ayaa ahaa maalmihii ugu layaabka badnaa intii aan joogay jaamacada wolkitte maadaama ay waxkastaa ahaayeen kuwo igu cusub aniga waxaan kujiray toddobaadkii indhoindhaynta . bishii barakaysnayd ramadan ayaan kuqaatay halkaas , waxay ahayd ramadantii iigu horraysay ee aan 30-kiiba canjeero xabashi ku soomay iyaduba waa ciajiib se waxaan aad ugu qancay sida ay jaamacadu xil iskaga saartay ardayda muslinka ah iyadoo wakhtiga suxuurta u diyaarisay shaqaale muslimiin ah oo u adeega ardayda soomaysa ,

Comments
Post a Comment