WAAYIHII WALQIIDDE ( PART THREE )
waxaa iyaduna cajiib ahayd in MEAL CARD-ka cuntada nalaka madoobeeyay 30 cisho oo ahayd inta ay socoto bisha barakaysani , sidaas ayaan kuqaatay bishii barakaysnayd . warba wuu dambeeyaaye maalintii ciidda ayaanu tagnay aniga iyo rag asxaaba oo aad u badan ayaa salaaddii ciidda kusoo oognay masjid aanan imika magacaabi Karin balse kuyaallay tuuladii yarayd ee GUBRE . soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “HADDII AAD MEEL LAGU IL LAAYAY TAGTO ILBAA LA ISKA TUURAA” waa inaad u dhaqantaa sida ay dadka aad la joogtaa u dhaqmayaana haddii aad mawjadaha si ku meel gaadh ah u raaci waydo waxaa laga yaabaa inaad ka dhacdo jidka . markii aanu salaada kasoo baxnay waxaan gucle kusoo marnay aniga iyo kumanaan kun oo qofiba dawga halbawlaha annakoo tumanayna durbaan salliga nabaigana qaadayna iyaduba waxay ahayd cajiib e , waxaa kasii darnaa markaan ogaaday in dadka badankoodu ay ku ciidayaan calanka itoobiya , wuxuunbaan soo xasuustay markii aan dugsiga dhexe kujiray in maalinta GINBOT aanu anakuba calamaan isla kuwanoo kale ah luli jirnay , tolow ma farxadda ciidda ayaa keentay in calanka la sudho meel walba mise waa dad waddaniyadu ku badan tahay taas adaa garan akhriste . maanta qadadu waa VIP oo waxaa la waynaynayaa maalintan culus ee ciidul firida , nin waliba wuxuu saxankii midha canjeerada ahi saarnaan jirtay ku sitaa cunto eeshcalaaya waa THEREFORE waxay tahayba dibbaad ka ogaane hayga dagdagin , waxaa nin walba u dheer midh sharaaba COCA , FANTO AMA SPRITE oo saw inaan farxaa gar maaha marba haddii aan isla helay therefore iyo faanto saw inaan bunna kusoo daro dabeeto dadkaygii VIDEO CALL ku wacaa gar maaha . durba waanigaa WHATSAPPKA ka wacay asxaabtii oo dhan . horta ma aniga unbaa mooda mise maalinta ciidda addunkaba qof cadhaysani majiro , dadka oo dhani waa wada muxubo iyo kalgacal , waxaa kuu caddaynaya taas dhoolacadaynta kamuuqata ninkii hotelka yar ee aan ka buneeyo joogay ee awal aan moodi jiray dhagoolku wakaa maanta dadka u dhoolacadaynaya ee waliaba salaamaya wuxuu Igu dhahay inaad muslim tahay maan ogayn markuu arkay khamiiska aanan wali sidii saaka u dhigin iyo cimaamada garabkayga sudhan anna waxaan ugu hal celiyay anigu xittaa saaka ayaan kugu arkay meeshii aan salaada ku tukunaynay markaasbaan ogaaday inaad muslim tahay” waa duni muslin iyo gaal lakala sari kari laayay iyadu xattaa waxay ahayd dhacdooyinkii iigu cajiibsanaa mid kamid ah ! . wataas uu ninba dhinac u foofay mid isagu video call wakhtiga isku dhaafiya iyo mid mirqaan ugu kala jiidaa anigu maalilntaas kuwa hore ayaan kamid ahaa oo waxaan wakhti fiican la qaatay qoyska iyo asxaabtaba .
muddo maalin maalmaha kamid ah aniga oo kubbad ku ciyaaraya parkingka jaamacada oo ahaa meel ay mucaashaqiinta kubbada cagtu casarkii isku waraystaan ayaan iskusoo beegmanay nin reer addis ah magaciisuna ahaa MILLION , soomaali ayay isku ag koreen oo aadbuu u garanayay dhiigga soomaalida markiiba wuxuu igulasoo booday ma soomaali ayaa tahay intaan kufarxay ninkan muuqa soomaalida garanaya ayaan ku idhi “HAA” wuxuu iigu jawaabay “waa ku je’lahay” waa erayga kaliya ee uu ka yaqaanay luuqada soomaaliga runtii waan qoslay oo aan ku farxay dabeeto wuxuu ii sheegay in nin soomaali ahi uu joogo jaamacada waa mar aan soomaalida xattaa ilaawi gaadhayba , baadigoob dheer oo aan ani iyo million ku raadinaynay ninkii soomaaliga ahaa maalintii xigtay ayaan soo helay waa IBRAHIM NUR oo ku jiray sannadkii ugu dambeeyay ee GOVERNANCE-GA wuxuu halkan aan anigu maalmaha kooban katirsanayo isagu joogay 4 sanadood imika waxaa u dhiman waa afar bilood uun halkii ayaan ugu dambayn ku helay qof aanu sibuuxda uwada sheekaysano hadal badan ayaa I hayay ayaan odhan karaa maadaama aanay jirin cid aad sibuuxda isku fahmi kartaan xattaa haddaad xariif ku tahay luuqaddaas hadana waxaa meesha ka maqan qaybtii naxwaha ama fankiibaan jirinba . mar ayaa waxaa dhacda gabadh aad u qurxoon ayaad arkaysaa inta badan dumarka itoobiyaanku wa dad aan aad u xidhxidhnayne waydin wada sheekaysaaysaan isla marka ay lambarkeeda kuu qorto ayaad damcaysaa inaad la hadasho balse 70% ayaad isfahmi kartaan markan taleefanka aad kuwada hadlaysaan marka kalena 80% . balse qofka soomaaliga ah 100% waad is fahmi kartaan taasina waxay ahayd xasuus aan galay markii aan helay ninkaas soomaaliga ah ee aanu arin kasta kawada hadli karno . soomaalidu marka ay meel wada joogto waxaa laga yaabaa inay reer reer ama deegaano ukala baxaan balse marak ay joogaan dhul shisheeye waa walaalo aad isku jecel waxaa laga yaabaa inaydaan xattaa qofkaas is waydiin ina ayadiisa ,

Comments
Post a Comment