WAAYIHII WALQIIDDE ( PART ONE )
Goorsheegtu waxay ku taagnayd 2:15 am habeenimo waxay ahayd goor badi dadku ay hurdaan inyar oo aan aniga iyo rakaabkan ila socdaa kamid nahay mooyee , waxaan meel dhexe kaga jiray dad kontameeyo ah oo safar u ahaa dhankaas iyo caasimada itoobiya ee addisababa ninba wuxuu u socdaa dan u gaar ah , aniga waxaa safarkan igu weheliya saaxiibkay USAME IMAMU , waa nin aan asalkiisu soomaali ahayn balse kudhex koray soomaali , sidoo kale UMALKAIR , RUMMAN iyo RAHMA , waxaanu ahayn dad ay kulmiyeen waayuhu .mid kamid ah Basaska shirkada GHION ayaa nagala dhaqaaqay badhtamaha casimada jigjiga agagaarka laanqayrta cas halkaas ayuu ka bilaabmay safar qaatay 122 maalmood oo aan ku tagay buralayda itoobiya . buurta caanka ah ee kaaraamardha 1 ayaan ku macasaaalameeyay magaaladaydii jigjiga , waxaan ii bilaabmay barasho horleh waxay ahayd markii iigu horraysay ee aaan buurtaas dhanka galbeed u dhaafo , waa safar habeenimo oo inta badan iimay suurta galin inaan dhulka siwacan uga bogto balse waxaan kolba GOOGLE MAP kala socday halka aanu marayno. intaas kaddib waxaan galnay safar habeenimo oo dheer , oogtii waaberiga ayaanu ku nasanay magaalo aanan magaceeda sheegi Karin xattaa maanan garanayn deegaanka ay tahay kaliya waxaan garanayaa inay ahayd dhul aanan noloshayda niyaysan xattaa inuu jiro buuro dhinac walba ah , dhul cagaaran oo barwaaqo ah , waxaan soo xasuustay ducadii uu suubanuhu ugu duceeyay dalkan itoobiya ILAAHOOW BARAKEE DHULKA XABASHIDA ( ITOOBIYA ) , markaas ayaan hadana xasuustay in ducadii suubanuhu ay tahay waxan aan manta arkayo . taban daqiiqo kaddib waxaan sii bilawnay inaan dhex mushaaxno buurihii iyo dhulkii aan banka lahayn . waxa cajiibka ah ee aan arkay wuxuu ahaa in soomaalidu ay leeyihiin banka ugu wayn guud ahaanba dalka itoobiya , hadana ay yihiin deegaanka kaliya ee ay deegaanada kale usoo dhoofiyaan khudaarta , waxaa iyaduna cajiib ahayd sida ay dadka buuralayda itoobiya kunooli u fashaan beeraha , majirto dhul bannaan ah oo beer laga qodo , taas badalkeeda buuraha ayay ka dul sameeyaan wareegyo kala sarreeya oo ay wax ku beeetaan waa duni iyo xaalkeed dadna ban ayay qodan laayiin qaarna buur ayay qasbayaan . maalinimadii ku dhawaad saladii duhur waxaan sii maraynay deegaanka canfarta halkaas ayaa ahayd meeshii iigu cabsida badnayd intii aan safarka kujiray maadaama maalmahaas uu aloosnaa khilaaf xooggan oo ka dhexeeyay labada qoomiyadood ee soomaalida iyo canfarta oo uu dhex maray
dagaal qadhaadhi . canfartu waa dad reer guuraa ah noloshoodu waxay aad ugu dhawdahay tan soomaalida xattaa muuqaalka canfartu waa mid aad ugu dhaw ka soomaalida . waxaa iigu darnayd markii aan arkay nin canfariya oo macamuus xidhan qori AK47 ahna jeeni qaaran oo gaadhigii aan saarnaa hor taagan iyo xawaarihii gaadhiga oo sii dhinmaya waxay ahayd dhacdadii ugu darnayd intii aan safarka kujiray , nasiib wanaag se gaadhiga gudaha umuu soo galin oo wuu sii karaaray baabuurku . waxaa kale oo iyaduna adayg ahayd markii RAHMA oo kamid ahayd hablaha aanu wada soconay ay ku xanuusatay safarkii dheeraa iyo dhulkii aanu qariibka ku ahayn dhexdiisa . mar ay saacadu ku taagnayd 2:00 pm ayaanu soo gaadhnay magaalada awash ee deegaanka canfarta halkaas ayaanu ku nasanay muddo 30 daqiiqo kudhaw saddex saac oo safar ah kadiibna waxaanu joognay xaafada soomaalidu ka degto magaalada addis ee BOLE MICHAEL 2 halkaas ayaa ahayd bartii aanu ku kala leexanay asxaabtii anigu habeenkaas waxa aan raacay UMALKAIR OMER waxaan taxi u qadanay dhankaas iyo guri u dhaw gegada diyaaradaha ee BOLE INTERNATIONAL AIRPORT halkaas ayaan ku bixinay dayntii hurdo ee nalagu lahaa . subaxnimadii hore ayay gabadh aanan magaceeda waydiin balse xasuus igu reebtay ay noo keentay quraac ahayd FULL iyo DHAABOO , markii aan quraacanayna waxaanu ani iyo umalkhayrba soo macasaaalamaynay gabadhii iyo xaafadeedii . markale ayaan safar gali doonaa waxaan taxi usoo qaadanay dhanka gegeda baabuurta ee taga magaalooyinkii aanu ku soconay waxaan anigu kusii jeeday magaalada WOLKITTE halka umalkhayr , usaame , rahma iyo rummaana usii jeedeen magaalada SALALE ee deegaanka OROMIA goor barqo ah ayaanu is macasalaamaynay umalkhayr waxaana markan si rasmiya iigu bilaabmay safar hor leh oo aan kali ku ahay , intii aanan ka bixin caasimada ayaan usoo baxay dhanka suuqa si aan ugalasii baxo lacag E-BIRR iigu jirtay anoo ka cabsi qabay inaan waayo wakiilo e birr ah markaan tago wolkitte , maadaama aan magaalada ku cusbaa waxaan arkay gabadh xabashiyad aan u qabay waxaan waydiiyay wakiilka iigu dhaw waxaanan kula hadlay luuqada axmaariga oo aan u qabay inay xabashiyad tahay balse waxaan la kulmay jawaab aan qaadan waayay waxay igu tiri “ma soomaali baa tahay” iyadoo ku hadlaysa af-soomaali sax ah waan naxay oo aan ku idhi haa markaasay ii tilmaantay balse gabadha waxaan xabashiyada u mooday ayay qabtaye waxay ku labisnayd surwaal iyo shaadh timuuna way qaawanaayeen dhacdadaas ayaa ahayd bilowgii cajaa’ibta runta ah .

Part two io walqite waxa kala kulantay
ReplyDelete