WAAYIHII WALQIIDDE ( PART FOUR )

, saaxiibkay SUHAYB OMER ayaan ka xasuustaa inuu idhaa “SOOMAALI BARWAAQADA UNBAA UGU DARAN” in uu saxiibkay hadalkaas ku saxsanaana waan xaqiiqsaday . Intii aan joogay halkaas waxaan soo bartay deegaano dad iyo luqado kala duwan , safaradii ka baxsanaa jaamacada gudeheeda aan tegay waxaa kamid ahaa safarkii aan ani iyo saaxiibkay ABDUHAMID REMADAN lug ku soo marnay wadada u baxda BUTA-JIRA oo ah caasimada labaad ee GURAGE ZONE waxaanan soo arkay waxyaalo aad u badan ay kamid ahaayeen nolosha dhabta ah ee reer miyiga uraagada waxaa muuqanaysay nolol ku dhisan jihad , waxay ahayd nolol aan anigu dareemayay inay aad uga adagtahayn nolosha reer miyiga soomaaliyeed , raga uraagadu waxay gacmahooga ku qodaan beeraha balse beeruhu maaha sida kuwa soomaalida waa dhul aad u adag , ciiddu maaha carro bataaxda aynu naqaano waa dhul marka meel jignaha lagu dhufto uu bur dhani soo fuqayo oo burbur isku haysta , waa dad shaqo ooh awl kar ah soomaalidu waxay ku xantaan qofka lexejeclada badan uraag balse uraagnimadu waa inaad tabtaaa xalaasha ah u shaqaysato soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “LEXEJECLO WAA LAGU CEEBOOBAAYE LAGUMA CAYDHOOBO” . Waxaa kale oo safaradaas dhul barashada ah kamid ahaa safarkii aan ku tagay warshada biyaha ee sheger , warshada caanaha ee wolkitte iyo warshada khamrida , tan ayaa ahayd halkii uga layaabka badnayd waxaan arkay in khamrida halkan lagu bsameeyaa khattaa gaadho magaalooyinka soomaalida saw wax lagu xumaado maahan , yeeelkeede waan soo arkay warshadaas oo aan ugu magacdaray “THE GATE OF JAHNM’’ albaabka jahanama iyo meelo kale oo badanba . Deegaanka DEBUB KILIL waxaa kunool 53 qoomiyadood oo kamid ah 86 itoobiya dega waa cajiib in hal deegaan ay ku kulmaan 53 luuqadood iyo dhaqan oo kala duwani inta badan 53 qoomiyadood waxaa laga heli karayay jaamacad gudeheeda sida qolka aan anigu deganaaba looga heli karayay 4 qoomiyadood oo kala duwan iyo 3 diimood oo kala duwan ABDI = SOOMAALI MUSLIM , MULUKEN = KAMBATTA PROTEST , GIRMA = SIDAMA PROTEST , TAMARAT = OROMO ORTHODOX , waliba sidaas ayaa lagusii kala duwanaa intaas kabadan oo afartayaduba waxaanu ku hadlaynay 4 luuqadood oo kala duwan may jirin laba isku luuqad ku hadlayay marka kaliya ee uu qofkastaa luuqadiisa ku hadlaaa waxay ahayd marka uu xafadooda la hadlayo , inta kale waxaa naga dhaxaysay luuqada dalka ee AMHARIC taas ayaanu ka sinnayn , haddii qolka nagasoo horjeeda oo kaliya nalagu daro waxaanu noqonaynaa ku dhawaad 7 qoomiyadood , hadaba kawaran haddii hal qol 4 qoomiyadood laga heli karo hal block imisa ku nool , jaamacada 10 kun ee qof kabadni kujiraana tolow imisaa laga heli karaa saw 60 gaadhi maayaan kollayba haa . Joogitaankaygii wolkitte waxaan aad ugu xasuusan doonaa asxaabtaydii aanu isku ururka ahayn ilaa ee MIDAWGA ARDAYDA MUSLIMIINTA AH EE JAAMACADA WOLKITTE ( @wku_muslims ) waxaa kamid ahaa :

Comments