HUNGO :
Magaceedu waa bakalesh ilaa iyo berigii aan jigjiga imidba gidaarkan qolka aan galo ku dhagsan ayay aroorta hore kusoo kalahdaa oo ay bun ku smaysaa , waa farxaanad oo dhoolacadaynta iyo “dhenadherki” kuu kala reebi mayso marka aad sidaa ugu soo baxdaba , dabeecadeeda wanaagsan iyo foolka furan ee ay dadka ku qaabisho iyo bunka tayaysan ee ay iibisaa waxay qanciyeen kuwa badan oo aan kamid ahay , waa hooyo haysata laba caruur ah Mid waa 5 jir ( kal ) halka ka kalena uu yahay wiil 3 jir ah ( yosef ) , bekalesh muddadaasba waxaan u ahaa macmiil wanaagsan , subax aanan hawlo kale lahayn mooyee inta badan quraacda waxaan ku xigsiiyaa siinigaas bunka ah , sida badan waxbarashada ayay iga waraysataa hadalkayaguna ma badna . Subax hore ayaan sidii caadada ii ahayd soo doontay bunkii bakalesh saaka se aroorihii hore lamid ma ihi waxaa iga dhex daaran mawjado hadal ah , awal salaan iyo dulxaadis mooyee waxkale ismaanu waydiin jirin saaka se waxwalba inaan waydiiyo ayaan iska jeclaystay , waxaan waydiiyay caruurtan aabahood aaway ? Faduulba ha igu ahaatee , balse bakalesh oo ahayd qof adayg iyo kartiba lihi si faahfaahsan ayay iigu sharraxday  waxwaliba waxay hadal iiga bilawday  :
“ anigoo yar ayaan jigjiga imid markaas waxaan la joogay xaafad aanu qaraabo nahay , aradayad ayaan ahaa dhinacna waan ka shaqayn jiray oo mehered xaafadu leedahay ayaan cuntada u karin jiray , inkasta oo aan yaraa haddana kama ay madhnayn laabtayda inaan nolol ii gaar ah samaystaa , niman badan oo meherada wax ka cuni jiray ayaa I damcay balse waxa ugu badan ee aan ku diidi jiray baa ahayd inaanay kasoo jeedin qowmiyada aan anigu ka dhashay ee amxaarada fekerkaas ayaan yaraantii ku ababay waxaan aaminsanaa in ninka kaliya ee ii qalmaa uu yhay mid aanu isku af kuhadalaano isku bahna kasoo jeedno , waxaan is baranay habtamu oo aanu isku Amharo kasoo wada jeednay bilawgii hore ee haasaweheenaba waxaan u qaaday jacayl indho la’aan ah isaga ayaana igu dhiiriyay inaan reer yeelano oo aanu iskayo isu taagno aniguna anoon cidna kala tashan ayaan sidaas yeelay , waxaan noqday bunlay isaguna dhismaha ayuu ka shaqayn jiray reer ayaanu yeelanay oo waanu isku faraxsanayn , muddooyinkii ugu keenaa horreeyay ee qoysnimadeena wuxuu ii muujiyay naxariis iyo danayn badan , duhurkii isaga ayaa basasha iisii javari jiray intaan guriga imanayo , hawsha gurigana wuu ila caawin jiray annaga oo farxadaas kujirna ayay nagusoo biirtay gabadhayadii curad oo nagusii biirisay farxad cusub . Sidaas ayaanu ahayn balse markaliya ayaan ku war helay habtamu oo asxaab cusub yeeshay habeenkii ayuu guriga kasoo daahaa markii dambena habeen dhixis ayuu bilaabay wuxuu aad u bartay khamrada oo wuxuu noqday sakhraan kaas ayaana ahaa sababtii ugu waynayd ee uu qoyskaygu burburay markii aan dhalay ilmihii labaad waxaa ii damay gabbal Baas ninkii wuxuu iga noqday dibjir Anna ummul ayaan ahay waxaa cidhiidhi galay quutal daruurigii , markasta oo aan wax waydiiyaba qaylo ayuu iga hor iyo haaraantan ilaa markii dambe uu gurigaba iska daayay inuu imaado , immika muddo sannad ah aragiisa mahayo waxaa iigu war dambaysay inuu tagay reerkoodii oo gonder ahaa , ilamasoo hadlo xaaladayadana waxba kama oga , isaga ayaa Haa kii ugu horreeyay aan rag ka caashaqo iyo kii ugu dambeeyayba”
Abdufetah Aden Mooge

Comments
Post a Comment