JACAYLKII ARDAYNIMADA ( QAYBTA SHANAAD )
Waxay Waxwaliba Is Baddaleen Markii Ay Dhegtayda Kusoo Dhacdey Kelmad Ahayd '' Anigaba Sidaas Si La Mid Ah Waan Kaa Helay'' Hmmmm.. Magarankaro Wax Aan Ku Tilmaamo Daqiiaadan Tolow Ma Waxaan Ku Sheegaa Daqiiqadii Ugu Farxada Badnayd Ee Noloshayda Soo Marta , Kolay Waa Daqiiqad Aan Ka Tirmi Doonin Qalbigayga e , Markii Ay Intaas I tidhi Horey Ayay Ka Dhaqaadqday Iyadoo U Muuqata Qof Aad U faraxsan Hadana Xishoonaya Qushi Haba Dhaqaaqdee Kelmada Ay Ka Tagtaybaa Ahayd Mid Abuurtay Jawi Ka Macaan Toban Jeer Kii Aan Ku Sugnaa Jimcihii Aan Is Baraney .
Isla Habeenimadii Ayaan Ku Degdegay Internet ka Si Aan Ula Kulmo Qoftayda Cusub Mise Gacalisadayda Toloow Waxaan Ku Dul Fekerayaa Degalkeeda Waxaan Garan Laayey Weedh Aan Uqoro Ma Xppti Ayaan Uraaciyaa Salaanta Mise Gacaliso Ayaan Ugu Daraa Mageceeda ... Intii Aan Fekerayay Ayaaba Waxaa Isoo Gaadhey Qoraal Udhignaa : '' Waan Ku Salaamay Cilmi Boodhariyoow '' Haah '' Waan KAa Qaadey Hodaneey '' Waxay Ahaayeen Hordhaca Sheeko Qaadatay 2 SAAC Iyo Badh Waxaana Halkaas Kusoo Afmeermay Walaac I Haystay Mudo Saddex bilood Ah .
Waxaa Laga Joogaa 4 Bil Maalinkii Aan U Bandhigtay Jacaylka Iyana Ay Iga Aqbashay Waan Is Fahamnay Waxaanan Noqonay Kuwo Is Teba Iskuna Dhaw Is Jecel Isna Dareema Waxay Ahayd Qof Qalbi Wanaagsan Is Dhul Dhigis Badan Aan Lahayn Wax Isla Weyni Ah Quruxdeedana Erayo Hadaan Ku Qeex Is Idhaa Waan Gefayaa Waxay Ahayd Qof Uu Ilaah Dhammeys Tiray Dhan Walba Waxay Noqotay Tan Aan Ka Fekero Wakhtigayga Ugu Badan Iyo Tan Ugu Badan Ee Xaalkayga Igasoo Waraysata Marwalba Waxaan Kusoo Kacaa Anoo Jooga Dagalkeeda Waxaanan Ku Seexdaa Anoo Jooga Dagalkeeda Cajiib Waxaan Markasta Nafta Ku Sasabaa Inaan Maalin Maalmaha Kamid Ah Heli Doono idam alle .
the end ...
FG : Sheekadani waa sheeko curis ah mana jirto cid ay kusocotaa .
November 2021 , jigjiga , Deegaanka Soomaalida
W/Q Abdufetah A Mooge

Comments
Post a Comment