JACAYLKII ARDAYNIMADA ( QAYBTA SADDEXAAD )
............................
Waa Tii Fasalkee 12J Ayaan Arkay Waxaan Raadiyay Fasalkayga Aniga Oo Ardayda Tooyanaya Maadaama Aan Ahay Arday Cusub .
Waxaan Beddel Kaga Imi Dugsi Kale Oo Ku Yaal Meel Ka Baxsan Caasimada Jigjiga Markii Aan Toyday ( Waydiiyay ) Ardaydii Halka Uu Kuyaal 12J Way Ii Tilmaameen Waxaan Soo Galay Fasalka Anoon Cidna Ka Garanay Waxaan Isku Dul Tuuray Kursiga Saddexaad Anoon Cidna La Sheekaysan Markii Aan Fadhiyay Waxyar Waxaa Dhacay Jeleska Muujinaya Inay Saacadu Tahay 8:00 Barqanimo Waana Bilawga Xiisada Koobaade Waxaa Noosoo Galay Macalinkii Enlgishka .
Jawigaygu Wuxuu Ahaa Mid Aanan Ku Tilmaami Karin Murugo Iyo Farxad Midna Ma Garan Karo Waxa Iga Qaaday Farxaddii Aan Saaka Kusoo Toosay Tolow Xagey Wax Iska Baddaleen ? Mooji Ayaan Isku Qancinayaa Laakiin Qalbiga Ayaa Wax Tabanay Tolow Muxuu Doonayaa ? Mooji  Xubin Aanan Sheegi Karin Halka Ay Ku Taal Ayaa Igu Xamanaysa Inaan Bushra Tebayo Aaah....
Markii La Gaadhey Wakhtiga Nususacaha ( Break time ) Ayaan Si Dhakhso Ah Dibada Ugasoo Baxay Fasalkii Bal Inaan Arko Bushra Xoogaa Ayaan Soo Wareegay Bal Inaan Isha Lasoo Helo Balse Waxay Indhaha Iyo Qalbiguba Fasalkii Kusoo Laabteen Iyagoo Aad Moodo In Aanay waligoodba Rejo Lahayn Oo Aad Usoo Daaley .
Saacadu Waa 9:00 Fiidnimo Waxaan Gacanta Ku Hayaa Taleefankaygii Gacanta Waxaan Sugayaa Jawaabta Su'aal Ahayd '' Helloo Fiid Wanaagsan Sidee Tahay Bushra '' Waxaan Sugi Laayey Inta Ay Warcelintu Soo Gaadheyso Taleefankayga Aah Tolow Typing..keedu Badanaa Tolow Maxay Soo Wadaa ! Bal Iska Sug Waaban Raagsadey Intay Isoo Gaadheysey Warcelintu ''Dhiidh-dhidh-dhidh '' Waan Kusoo Booday Telka Anoo Eegaya Farriinta Cusub Ee Soo Dhacday '' Fiid Wanaagsan Wll ''  Ayaa Ahayd Waxaan Arkey Si Dhakhso Ahban U Waydiiyay Waxa Maanta Ku Dhacay Ee Iskuulka U Iman Wayday Mise Waxay Ii Sheegtay Inay Timi Oo Lagusoo Qoray Fasal aan Ahayn Kan Aan Anuu Dhigto Aah 
Dhib Badanaa Waxaan Damcay Inaan Fasalkeeda U Wareego Balse....
   W/Q Abdufetah A Mooge

Comments
Post a Comment