JACAYLKII ARDAYNIMADA ( QAYBTA LABAAD )
........................
Waxaan Imi Guriga Aniga Oo Qorshahayga Ugu Wayni Ahaa Inaan Bushra La Hadlo , Goor Ay Tahay Abbaaro 6:30 pm Ayaan Wacay Bushra Markiiba Way I Garatay Waxaan Iska Waraysanay Wax Kasta Oo Aan Haleelnay Waxaanan Ku Balanay Inaan Khadka Kawada Hadli Doono Iyada Oo Ku Sababaysay Inaan Waalidkeed U Ogalayn Ku Hadalka Taleefanka Ee Badan , Anigana Waaban Sidaan Rabay Waxaan Soo Xasuustay Odhaahda Soomaaliyeed ee Ah '' Halkaan Rabay Roob Ma Igu Helay '' .
Muddo Laba Maalmood Ah Ayaa Kasoo Wareegtay Maalinkaan Bushra Is Baranay Waxay Iiga Warrantay Inay Tahay Ardayad Dhigata Faslaka 12 aad Gaar Ahaan Dugsiga Sare Ee Jigjiga Secondary and Preparatory School , Dugsigaas Waa Kan Aan Anigaba Dhigto Balse Wali Dugsiga Lama Furin Waxaana La Furayaa Isniinta Barri Ah Haddii Alle Idhaa .
Waa Aroornimo Subax Ah Cadceeduna Hadda Uunbay Godkeedii Kasoo Baxaysaa Waxaan Isku Diyaarinayay Iskuulka Oo Aan Aad Ugu Heellanaa Tagistiisa Waxaana Isii Dhiirinayay In Aan Kusoo Arko Bushra , Mar Ay Tahay 7:15 aroornimo Ayaan Kasoo Baxay Qolkaygii Waxaan Inyar Kadib Soo Gaadhay Istaanka ( Halka Bajajta Laga Raaco ) Waxay Ahayd Saf Nin Xoogleh Unbaa Korayay Anigana Dhawr Mar Oo Aan Ku Guul Darreystay Inaan Raaco Kaddib Waxaan Nasiib Uyeeshay Markan Waan Isku Dhex Tuuray Dhanka Dambe Aniga Oo Karahsanaya Inuu Diraysku Iga Wasakhoobo Hadana Waa Dani Ku Tidhiye Markii Ay Bajajtu Sii Dhugdhugleysay Xoogaa Waxaan Soo Gadhnay Halkii aan Ku Dagi Lahaa Waan Degay Anoo Usii Fidinaya Darewalka 5 Birr .
Waxaan Soo Lugeeyay Abbaaro 5 Daqiiqo Si Aan Usoo Gaadho Iskuulka Markii Aan Imi Iskuulka Waxaan Ku Farxay In Arday Badani Aysan Igasoo Horrayn Isla Markiiba Waxaan U Dhaqaaqay Boodh Meel Halkaas Ah Ku Yaalay Si Aan Ugasoo Eegto Fasalka La Igusoo Qoray Waxaan Isha La Raacay Warqaado Badan Ugu Dambayn Waxay Ishaydu Qabatay Magacaygii Oo Saddexan Waan Farxay Markale Waxan Eegay Warqaada Aan Magacayga Ka Helay......
W/Q Abdufetah A Mooge

Comments
Post a Comment