JACAYLKII ARDAYNIMADA ( QAYBTA KOOBAAD )

Saacadu Waa Abbaaro 5:20 pm Waa Maalin Jimce Ah Waxaa Da'ay Roob Shuux Ah Waxaan Usoo Baxay Suuqa May Jirin Ujeedo Cayiman Oo Aan Usocday Marka Laga Reebo Inaan Koob Shaah Ah Soo Cabo Waxaan La Dhacsanaa Jawiga Quruxda Leh Waxaa Si Lama Filaan Ah Ishaydu U Qabatay Gabadh Aanan Hore Ugu Arag Xaafada Waxay Umuuqatay Mid Aan Ka Iman Meel Fog Waxaana Caddayn U Ahayd Shalamada Ay Wadatay Runtii Jawigu Wuxuu Ahaa Mid Ii Suurtagalin Kara Inaan Gabadha La Hadlo Sababto Ah Waa Xili Degan Qof Kastaana Jeclaysan Karo Intii Maskaxdaydu Ku Murmaysay Lahadal Iyo Iska Dhaaf Ayay Gabadhii Soo Dhawaatay Waxaanan Go'aansaday Inaan Maanta Raganimo Iska Baadho Waxaan Si Jilicsan Usalaamay Inantii Iyada Oo Xishoonaysa Ayay Cod Hoose Ku Tiri ''Waan Kaa Qaaday '' Markii Aan Intaas Ka Maqlay Afkeeda Ayay Maskaxdu Ilasoo Wadaagtay Xoogaa Dhiiri Galin Ah : ''Haye Wll Sethy Ma Wacantahay'' Ayaan Isku Daba Daray Anoon Markan Sidii Hore U Cabsanayn ''Waan Wacanahay Wll '' Ayay Iigu Hal Celisay Is Barasho Kaddib Waxaan Ka Qortay Lambarkeedii ''Haye Macasalaama'' Waa Markay Igasii Dhaqaaqaysay '' Maca Saruura '' Ayaan Ku Idhi Anoo Isku Daray Baaqa Gacanta Iyo Dhoola caddeyn Waxaa Iisii Laba Jibbaarmay Macaankii Jawiga Waxaan Isha Ku Hayaa Taleefankaygii Gacanta Anoo Eegaya Lambarkii Inanta Oo Magaceeda Aan Ku Kaydsaday BUSHRA inyar kadib Waxaan Soo Gaadhay Cafeteria Aan Sidaa Ugasii Fogeyn Xaafada QUMAADAHA Oo Ah Halka Aan Ka Deganahay Magaalada Jigjiga Waxaan Markiiba Eegay Lambarkii Bushra Oo Aan Rejaynayay Inuu Leeyahay ( Whatsapp Account ) Waxaa Iigaso Baxay Inuu Leeyahay Taasina Waa Fursad Kale Maadaama Aanan Ahayn Raga Ku Dheereya Hadalka , Hadana Waxaan Go'aansaday Inaan Marka Ugu Horraysa Normal Call Ku Waco Intaas Kaddibna Farriimo Wadaagno . Kaddib Markii Aan Qac Ka Siiyay Koob Shaah Ah Waxaan Usoo Kacay Dhanka Xaafada Intii Aan Dhexda Kusoo Jiray Waxaa La Addimay Salaadii Maqribka Waxaan Kusoo Tukaday Masjid Muscab Oo Ah Jaarkayga Salaadii Maarib Kadib ....... W/Q: Abdufetah A Mooge

Comments