JACAYLKII ARDAYNIMADA ( QAYBTA AFRAAD )
................................
Way Ii Suurtoobi Wayday Ugu Dambayn Waxaan Noqonay Kala Fasal .
Waxaa Laga Joogaa Saddex Bil Markii Aan Bushra Is Baranay Mudadaas Magaranayo Wax Cusub Oo Aan Idhaa Waan Qabtay Waa 90 Maalmood Oo Igu Dhaafay Mooji Balse Markan Sababtooda Ayaan U Aanaynayaa Jacayl Aan U Qaadey Bushra Haaah Waan Hubaa Waad Jeceshahay Inanta Ninyow Ee Inanta Usheego Waxkasta Oo Aad Uhayso Ayuu Qalbigu Ileeyahay Waan Ku Raacay Dardaarankaas Canaanta Leh Waxaa Lasoo Gaadhey Wakhtigii Aan Qorsheeyay Inaan Jacaylkayga Kusoo Bandhigo Balse Cabsi Saa'id Ah Ayaan Dareemayaa Si Kastoy Ahaato Waxaan Isku Diyaariyay Inaan Wax Walba Usheego Bushra .
Waxaan Wacay Inantii Iyada Ahayd Anoo Usheegay Inaan Ka Leeyahy Arrin Muhiim Ah Aanan Rabo Inaan Usheego Balse Aanan Ugu Sheegi Karin Taleefanka Ee Ay Daruuri Tahay Inaan Kulano ? Xoogaa Ay Iga Yar Aamustay Kaddib Waxag Igu Hal-celisay ''Ok'' Haah.. Neefbaa Igasoo Go'day Waxaan Markiiba Uraaciyey Haye Xilima Iyo Goorma Waxaanay Igu Hal-Celisay Barri Xiisadaha 3aad Iyo 4aad Dhexdooda Ok Markan Anaa Leh Waan Macasalaameeyay Anigoo Kujira Jawi Aan Farxad Iyo Cabsi Ukala Garan Laayey .
Waxaa Lasoo Gaadhey Ammintii Ay Balantu Ahayd Anna Waan Diyaarsanahay Sidaan Isku Maleynayo Mayee Waaban Hubaa Inaan Diyaarsanahay Waxaan Kasoo Baxay Fasalka Aniga Oo Usoo Jeeda Geed Meel Aan Sidaa Uga Fogeyn Fasalkayga Kuyaal Waxaan Fiirinayaa Labiskayga Anoo Isku Qancinaya Inaan Ahay Sidii Loo Baahnaa Markeliya Ayaan Eegay Hortayda Mise Waaba Bushra Oo Geedkii Dhiniciisa Taagan Aaah.. Magaranayo Waxaan Ku Cabiro Jawiga Aan Ku Suganahy Balse Waxaan Mardambe Ku Miyirsadey Su'aal Ahayd '' Haye Mr.Axmed Maxaa Cusub '' Waxaan Isku Canaanaya Inaan Iska Dhaafo Naxdintan Oo Aan Dantayda Ka Hadlo .
Aniga Oo Aan Ku Dhiiraneyn Inaan Waxwalba Sidey U Jiraan U Sheego Hadana Kama Leexan Gunta Hadalka Waxaan Si Nacasnino Leh U Idhi '' Bushra Waan Ku Jeclahay , Waxay Ahayd Daqiiqad Kulaylkeeda , Culayskeeda Iyo Walwalkeedaba Wadata Balse.....
W/Q Abdufetah A Mooge

Hhhhh
ReplyDelete