GABADHII AABAHEED NUUJINAYSAY AFARTA BILOOD
Qisadan Waxaa Laga soo Xigtay Taariikhyahano Romankii hore kamid ah waxaana la sheegay in Mid kamid ah Dadkii waagaas noolaa ay dawladu ku xukuntay dil dilkaasi wuxuu u dhacay qaabka loo yaqaan ( starvation ) afka soomaaligana ku noqonaya in qofka gaajo lagu dilo , haddaba duqan dilka lagu xukumay oo magaciisa Simon La Odhan Jiray Ayaa Wuxuu Dhalay Gabadh Kaliya , gabadhaasi ayaana ahayd qofka kaliya ee soo booqda , loomana ogalayn inay u soo qaado wax cuno iyo cabitaan ah midnaba , kaliya waxaa loo ogolaaday inay maalin kasta soo eegi karto .
Markii ay kasoo wareegtay mudo 4 bilood ku siman ee uu duqii Simon ahaana wali noolyahay ayaa askartii xabsigu ka yaabeen sababta uu wali u noolyahay duqu , waxaanay sameeyeen baadhis ay ku ogaanayaan sababta ka dambaysa noloshiisa . Waxay ogaadeen in gabadhan lagu magacaabo peru ee uu duqu dhalay aroorkastana soo booqataa ay siiso caanaha naaskeeda . Cajiib ! Askartii amakaag ayay ku noqotay dhacdadani waxaanay go'aan ku gaadheen in ay duqii iska fasaxaan .
Dhanka kale go'aanka ay qaadatay peru oo ahaa mid nafhurnimo ahaa ayay ku guuleysatay inay aabaheed ku badbaadiso iyana baal dahab ah ka gasho taariikhda . Simon iyo peru waxaa loo sameeyay taallo lagu xasuusto dhacdadaasi argagaxa , mucjisada iyo cajabtaba badnayd
🖊 Abdufetah Aden Mooge
Abdimooge
ReplyDelete