MA ILA ARAGTAY ?

"Rabbigaa majecla dulmi badane been badan" "Rabbigaa ma mooga waxa aad samaynayso" Maxaa jira kuwa badan oo magaca masuulnimo ku dulmiyay shacab wada masaakiin ah , badanaa shayaadiin magaca sheekh ku hoday indhakugaraadleyaashu , maxay dhulka saaran yihiin jaahiliin magaca aqoon yahan in badan Shaah ku cabay , badanaa ducafa iyagoon awood lahayn arlada ku kibray awoodna is biday , badanaa ... badanaa ... badanaa . "Never lie to your self" xeerkan ayaan u aqaanaa Xeerka koobaad ee guusha sidaas oo ay tahay marwalba waxaa jirta run qofkasta qalbigiisa kudhex jirta runtaasi ma ogalaato wax aan xaqiiqada ahayn haddii aad isku daydo inaad naftaada khiyaanto markasta runtaa yar ee gudahaaga kujirta ayaa su'aalo iyo buuq kugu furaysa hurdadana kuu diidaysa . Dunidan majiro qof naftiisa been usheegaya illaa wuu ogyahay inay waxaasi been yihiin . Adduunkan waxaa soo maray rag badan oo kulamid ahaa , waxay iskudayeen inay ilaahay ku qabsadaan abuurka iyo cibaadadaba , waxay ku dadaaleen inay Kibirka meelo sare ka gaadhaan , waxay isku bahaysteen inay xaqa la dagaalamaan waxaa kamid ahaa kuwo ilaahnimo sheegtay iyo kuwa nebinimo sheegtayba , balse dhammaantood hal faa'iido oo iskumid ah ayay heleen waana cadho rabbi iyo Cadaab daran. Adiga oo shakhsi ah ha la yaabin marka ay kuu imaadaan kuwa badan oo kibirku teelteelinayo, Ciyaal nolosha adduunyada ka arkay "hooyo soo faraxalo" , doqomiin iyo damiirlaaweyaal ay nolasha adduunku wanaajisay . Marka aad leedahay qalbi wanaagsan oo saliim ah dhammaantood adaa ka fiican, marka aad tahay addoon rum badan oo cibaado badan waad ammaanantahay oo eebe Wayne ayaa ku ammaanay e ogow . Noloshu waxay u baahantahay degenaan balse kuwa daalimiinta ahi waxay ka faa'idaysan doonaan aamuskeena si ay xuquuqdeena u dulmiyaan , sawir khaldana inooga bixiyaan haddaba maxaa inala gudboon si aynaan ugu noqon dulmanayaal kuwa bilaa naxariista ah . Waxaan aaminsanahay si aanad u noqon damane lagu dul shaxo iyo dulmane xaqiisii la duudsiyay midna , inaad iska dhagatirtaa Yasidooda , Beentooda iyo munaafaqadoodaba, Waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaan si ay kaaga bixiyaan sawir xun , si ay kaagasoo qaadaan qof aan caadi ahayn , si ay hankaaga u dilaan . Waad hoogtay maalinka ay Dareemahaaga sii hoose saamayn ku yeeshaan , haa waxaad dareemi doontaa murugo marka ay jawigaaga badalaan . Waxaan kugu talin lahaa inaad noqoto qof wanaagsan haddii aanad taas awoodin , xumaantaada dadka yaanay ku qasbin inay xumaadaan sidaada. F.G : Si aad u fahamto wax badan oo kamid ah kuwa aan ka hadleyay fadlan ilasoo daawa filimka iraniga ah ee magiciisu yahay "THE STONING OF SORAYA" . Jimcuhu ha idiin samaado

Comments