JACAYLKAAGII
Qalbigayga Ayaa Naftayda Usheegaya Inaan Kuu Calaacalo Si Inuun Aan Aqoonsi Kaaga Helo , Balse Qabkayga Ayaa Taas Ii Diiddan , Waxaan Ahay Kii Kibirka badnaa ee aan waligiis aaminsanayn In U calaacalka Xaawalaydu Liddi Ku Yahay Sharafta Labka , Haa Caqiidadaas Ayaan Ku Koray Oo aan Kusoo Barbaaray Maanta Se Wixii Aan Aaminsanaa Ayaan U arkaa Inuu Yahay Dayrka Kaliya Ee ay Tahay Inaan Jabiyo Si Aan U Helo Nolosha Aan Ku Riyoonayo . Maya Ma Dhacayso Taasi Marnaba Waxaan Doorbidayaa Inaan Kali Iska Ahaado , Inaan Cidlada Weheshado , Inaan Iska Caajiso . Intii Aan Adi Ku Baryi Lahaa Haa Waan Ku Adkaysanayaa Mana Dhici Doonto Inaan Kuu Calaacalaa . Tani Igama Aha Inaan Adadayg Muujinayo Ama Aanan Lahayn Qalbi Si Dhab ah Kuu Jecel Waxaase Aanan Rejo Buuxda Ka Qabin Jawaabta Aan Kaa Heli Doono Haddii Aan Jebiyo Caqiidadaas Aan Aaminsanahay Iyo Inaanan Ka Faa'idi Doonin Calaacalkaaga Waxaan Ka Ahayn Walaac . Waan Ku Jeclahay In Badan Nabad Ayaan Kuu Rejaynayaa Xabiibti Ilaahay Haku Amaansado . 
       - Jacaylkaagii 
Comments
Post a Comment