HAADAAMO JACAYL : SHEEKO CURIS AH

Naftaad Aaasi Taqaan
Waad Abuuri Kartaa
- ABU HADRA


Waa Casar Gaaban Iyo Gudaha Magaalada Ottawa Ee Dalka Canada Waxa ay fadhidaa barxadda hore ee Xero wayn oo ka kooban guryo Ilaa Labaataneeyo ah waa Meel Loogu Talagalay Soo galootiga magan-galiyo doonka ah ee kasoo gudbay badwaynta midhitariyaanka . Qoxooti badan oo isugu jira soomaali iyo afrikaan kale ayay kamid tahay . Cid kasta Oo Halkan Joogtaa Waxay Ku Hanwayntahay In Mar Uun Lagu Fasixi Doono Magaaladan Quruxda Iyo Ashqaraarka Badan , Iyadu se Warkaa Mahayso Oo maxaabay Qurux Iyo Ashqaraar Ka Fekertaa Ma Waxaa Hadhay Rejo Dambe Oo ay AdduunkanKa leedahay Waa Uun Dameeri Dhaan raacdaye Oo Xattaa Imaansheheedii Halkan Ayaaba Sidaas Ahaa . Maankeeda Ayaa dib ugu celinaya waayahii Soomaaliya Iyo Maalmihii Dhalinyaranimadu U Cusbayd Waxaan Maankeeda Marnaba Ka Go'ayn Xusuustii Qadhaadhayd Ee Ay Kasoo Martay Jacaylkii Indho La'aanta ahaa ee ay u qaaday Ruugaayihii Nolosheeda Ruugay . ***
Aamina Ducaale Warsame Waxa Ay Bilawgii Qarnigii Kow Iyo Labaatanaad Ku Dhalatay Deegaanka Hawd Oo Ka Tirsan Deegaanka Soomaalida . Waxa Ay Ahayd Curada Aabeheed Ducaale Warsame Iyo Hooyadeed Mako Iyada Ayaa Ahayd Midda Kaliya Ee Qoyskeedu Ku indho doogsadaan. Aabeheed Warsame Ducaale Waxa Uu Hilaada 1939-ii ku dhashay Miyiga "Saw" Oo Katirsan Gobolka Awdal Magaalada Boorama Ayuu Kusoo Qaatay Waxbarashadiisii Iyo Waayihiisii Dhalinyaranimo Kaddib Ayuu Reerkoodu usoo Guuray Dhankaas Iyo Hawd Halkaas Oo Uu Ku guursaday Mako Nuux .Markii Ay Aamina Da'deedu ahayd lix sano waxaa geeriyooday aabbeheed oo ahaa kan kaliya ee qoyska u soo raadiya quutal daruurigooda Waxaana Aamina Iyo Hooyadeed Mako Oo aanay jirin cidkale oo ay ku tiirsanaayeen soo foodsaaray culays dhaqaale Oo Sababay In Aamina Hooyadeed Ay Gasho Halkii Aabbeheed Ugu Jiray . Hooyo Mako Subaxdii ayay Guriga Ka Kallihi Jirtay Waxaanay Suuqa Ku Iibin Jirtay Khudaar Kala Duwan Sidaas Ayaanay Kusoo Barbaarisay Aamina Ilaa Ay Ka Noqotay Gabadh wayn Oo Qaangaadh Ah . Aamina Ducaale Maanta Waa Naag wayn Oo Qaan-gaadh Ah Waxaa Ka Muuqda Tacabkii Ay Galisay Hooyadeed . Nin kasta Oo arkaana Wuxuu Ku Hammiyaa Inuu Habeen Uun Darmo Kula Caweeyo , Waa ay waynaatay Oo Hooyadeed Ayay Dhineceeda Kala Dadaasha Intaas ay Suuqa Soo Gashay Waxay Lakulantay Niman Badan Oo Damacsanaa Inay Sheeko Iyo Haasaawe La Wadaagaan Balse Dhammaantood Waxay U aragtay inaanu Ku jirin Keedii Oo Way Kugacan Saydhay .

Maalinimo Saalisa Ah Goor Ay Cadceeddu Godka Sii Galayso Oo U ku beegan Xilligii ay Aamini Alaabta Xarayn Lahayd Shaqadana Ka Rawixi Lahayd Ayaa Waxaa ay Si lama￾filaan ah isha ugu dhufatay Wiil Cad Oo dheer Kunasoo Wajahan Dhankeeda Waa ay yara Xishootay oo is yar ururisay waxyar kaddib wiilkii wuxuu si aan gabbasho lahayn ugu yidhi "Quruxlayda Waan Ku salaamay" . "Waan Lagaa Qaaday Quruxoow" ....... Wada Sheekaysi Kaddib Inankan Wuxuu Aamina Usheegay Inuu Ka Helay Ee Ay Siiso Taleefan Lambarkeeda Iyada Lafteedu wiilkan Waxay U arkaysay Inuu Yahay Midkeedii Oo Aragtii Koobaadba waa ay jeclaatay Sababtoo Ah Wiilkni Wuxuu Ahaa Mid Ilaahay Jamaal Iyo Joogba Siiyay... durba wataa lambarkeedii siisay Ee Uu ka Tagay .
magaciisu Waa Salaan Boobe Oo Dhawaanahan Dambe Ku Caan ah RUUGAAYE Waa Labaatan Iyo laba Jir Gurigii Hooyadii Ku Nool Shaqo Iyo Waxaas Isagu Kuma Fekero , Wuxuu Awal Iska Ahaa Ciyaalka Xaafada Balse Imika Wuxuu Isku Arkaa Inuu Nin Wayn Noqday ayna Tahay inuu Raga waawayn Raaco . Wuxuu Asxaab La Noqday Koox Dhalinyaro ah Oo Uu Ugu Horreeyo Ilyaas Afloo , Afloo Waa Shaxxaari Suuqa Caan Ka Ah Maalinba Halkii Uu Ka Arko In Majintiisa Jaadka Ahi Taallana Lagama Waayo Wuxuu Caan Ku Ahaa Balwadda . Ruugaayena Raggaaas Uu Afloo Ugu Horreeyo Ayuu Ku bah Noqday . Bilawgiiba Waxay Ku Canaanteen Inuu Kusoo Habsaamay Ciyaalka Xaafada Ayna Tahay Inuu Imika Iyo Wixii Ka Dambeeya Noqdo Nin Wayn Oo La Karaameeyo Dadkuna Ka Dambeeyaan Waxaanay Bareen Noocyada Kala Duwan Ee Balwadda Oo Uu Marba Mid Ugasii Gudbay Ilaa Uu Gaadhay Inuu Habeen Oo dhan Meelahaas Shiishad Ku Noogu Maalin Oo dhanna Hurdo . Galabta Gaaban Ayuu soo Kacaa Oo dhiida Iskasoo Cadaabaa Dabeetana Hablaha Yaryar Ee Aamina Ducaale Oo Kale Ah Beerlaxawsi Ku Bilaaba Maanta Se Aamina Ayaa Shabagiisa Kusoo Dhacday .
Habeenkii Inta Uu Shiishada Iyo Mirqaan Kusheega Kujiro Ruugaaye Wuxuu Aalada WhatsApp Ka Maaweeliyaa Boqolaal Gabdhoodh Walaw Aamina Ducaaleba Caawa Ha Ahaato Taas Qoraalada Dhaadheer Ee Wadnaha Cas Ka dhex Muuqdo Usoo Dirayse, Rugaaye Isaga Kama Aha Cid Wakhti sii Oo La Sheekayso Taas Baddalkeed se Waxaa Uu Ka dhigtaa Gaashaan Iyo Dhufays Uu Kaga Dhuunto Hadal Tirada Iyo Cantarabaqashta Is Dhaafaysa . Ma Jecla Inay Asxaabtiisu La Sheekaystaan Oo Waxay Ugu Baxdaa Aamusnaanta . Waana Taas Sababta Ay Asxaabtiisa Marfashku Ugu Canaantaan Inuu Yahay Mirqaan Kajiidh Uu Qaad Haysto Iyo Haddii Uu Badh-go' Yahayba Isku Mid ah . Ruugaaye Wuxuu Maalmahan Dambe Arkay Isagoo Ay Shabaqiisa Kujirto Mid Kamaid ah Ubaxyada Magaaladu Wuxuunbuu Soo Baraarugay Isagoo Gacanta Ku Haya Hilib Bisil , Isagoo Dhex Jooga Barwaaqo Iyo Dhul Dihin Iyo Isagoo Aanu Jirin Xayndaab Ka Celiyaa Wuxuu Naftiisa Kula Shawray Inuu Naftiisan Uu Qaadka Iyo Sigaarku Daashaday Uu Bal Xasuusto Oo Uu Guur Iyo Gabadh Samaysto Se Waxaa Fekerkaas Gaashaabka U Daruuray Duruuftiisa Dhaqaale Oo aan Guur Iyo Gabadh Iskadaaye Xattaa Inta Badan Badh Go' ka yahay .Ruugaaye Iyo Aamina Waxaa U Bilawday Xidhiidh Ka Duwan Kii Hore ee Ku ekaa Taleefanka . Habeenada Qaarkood ayaa Uu Ruugaaye Kasoo Yar Kacaa Qaadka Oo Intuu Caday Iyo Cadar Iskasoo Daaliyo Aamina U Imaadaa . Marar Badan Ayaa ay Aamina Iyo Ruugaye ku Kulmeen Meel U dhaw Aamina Xaafadooda inkasta Oo Ruugaaye Ay Ku Ahayd Culays Inuu Kolba Qaadka Kasoo Kaco Haddana Waxaa Uu Halkaas Ka Eegtay Kansho Uu Kaga Faa'idaysto Cadradan Quruxda Lasoo Kacday Uuna Ku Calafsado Hilibkan Bisil Wuxuu Go'aansaday Inuu Aamina Ku Qanciyo Inay Usoo Raacdo Guri Uu ugu sheegay inuu Isagu Qol Kadegan yahay Oo Uu Halkaas Galo Aamina Oo Markaas Jacaylka Ay U Hayso Ruugaaye Uu ka Qariyay Inay Tahay Tii Ragga Badani Usoo kala baratamayeen Ayaa Ku Raacday Ruugaaye Fekerkaas Ah Inay Gurigiisa Uraacdo . Wataa Aamini Gurigii uu Ruugaaye Keenay Fadhida , Wataa Uu Cadarkii Uu Ruugaaye Ku Qarinayay Balwadihiisa Kala Duwani Aamina Sanka Ka Galay Sheeko Iyo Shaah Kaddib Waxay U sheegtay In Xilligan Hooyadeed soo Hoyato ayna Tahay inay guriga ugasii horrayso Oo ay sii tagayso . Intii Muddo ah Haddii Ay Aamina Guriga Ruugaaye Timid Waxaa Uu Ruugaaye Aamina Ku Beer Laxawsaday In Uu Guursan Doono Oo Uu Gabadhnimadeedii Kaga Faa'idaystay . Bishii Sideedaad Ayuu Aamina Uurkeedu Marayaa Waxaa Ay Kadhex Baxday Badi Dadkii Iyo Suuqii Ay Joogi Jirtay Oo Guriga Masoo Dhaafto Hooyadeedii Aabe La'aanta Kusoo Korisay Ayay Niyadeeda Iyo Qalbigeeda Inay Ilaaliso Ku Guuldarraysatay Kii Ruugaaye Ee Aayaheeda Ruugay Markii Ay Usheegtay Waakii Ugu Jawaabay Inuu Isagii Laayay Wax Uu Qaad Siisto Ayna Sugto Inta Uu Lacag Ka Helayo , Markii Ay Sheegatayna Waakii Magaaladaba Ka Tagay Meel Uu Ku dambeeyayna La waayay . Saddex Bilood Kahor Ayay Kasoo Ambabaxday Gurigii Hooyadeed Iyadoo Ka Mooraal Jabsan Sida Ay Hooyadeed Uga U Ceeboobi Doonto Markii La Ogaado Uurkan Aan Meel Loo Raacaa Jirin, Habeen Ayay Kasoo Guuraysay Deegaankeedii Ilaa Iyo Magaalada Addis Ababa . Safarkan Ayaa Ahaa Mid ay ku doonaysay Aamini Inay Kaga Qarsoonto Dadkii Yaqaanay Iyadoo Aamina Ducaaledii Ay Mako Nuux Dhashay ah .Si Aan Fadeexad Usoo Gaadhin Hooyadeed Rafaad Dheer Kadib Waxay Iyadoo Fool Ah Kusoo Dhacday Dalka Libiya Halkaas Oo Ay Ku Umushay Wiilkeedii Curad Balse , Curadkaaga Waa Lagu Farxaa Oo Lagu Indho doogsadaa Balse Iyadu Taa Baddalkeeda Waxay Indheheeda Ku Arkaysay Beerkeedii Oo Ay Naftu Kasii Baxayso Aanay Waxbana U qaban Karin Waxay Soo Martay Raffaadka Dunida Yaala Oo dhan Reja Kasta Oo ay Nolosha Ja Lahaydna Waxay Ku Dambaysay Quus . Marar Badan Ayay Ku Fekertay Inay Nolosha Is Dhaafiso Balse May dhicin Maanta Oo Ay Ku sugantahay Ottawa-na Waxba Ugama Duwana Iyadoo Dhimatay Waxaabay Iswaydiisaa Sababta Ay Udhiman Wayday . W/C : ABDIFATAH ADEN ( INJINEERKA )

Comments