Sideebuu U shaqeeyaa GPS ? YAASE MAAMULA GPS-KA?
GPS Waa Nidaam Kuu Oggolaanaya Inaad Ogaatid Halka Aad U socotid , Halka Aad Ku sugantahay Iyo Halkii Aad Ka Timid Intaba GPS Waxaa Lagasoo Gaabiyay Weedha Ah GLOBAL POSITIONING SYSTEM Oo macneheedu yahay Nidaamka Hagida Ee Caalamka . Waxaa jiray Nidaamyo u eg GPS-ka Aynu isticmaalno Intii Uu socday Dagaalkii Qaboobaa Waxay Ahaayeen Nidaamyo Bixinaya Signals Nidaamyadan Ayaa Kamid ahaa Sababihii Ruushka U Fududeeyay Inuu Diro Dayax Gacmeedkiisuu Ugu Horreeyaya . Sannadkii 1973 Ayay Ahayd Markii Ugu Horraysay Ee La Daahfuray Nidaamkii GPS ee Ugu Horreeyay Taariikhda Ciidimada Diffaaca Ee Maraykanka Ayaa Diray Settelite kii Ugu Horreeyay Kaddibna Waxaa La Diray 23 Settelite oo Kale Taas Oo Ka Dhigtay Wadarta Guud 24 Settelite Maanta Waxaa Jira 32 Settelite Oo Uu Maraykanku Hawada Sare U Diray Si Ay Ugusoo Gudbiyaan Xogaha Rasmiga Ah Ee Juquraafiyadeed Dhulka Korkiisa . 24 Kamid ah 32 Settelite oo uu maraykanku Hawada Sare Udiray ayaa si joogto ah u shaqeeya 24 ka Saac Halka 8 kale ay yihiin Baddal Sugayaal Haddii Qaar kamid ah 24 ka shaqaynayaa ay xumaadaan inay badalaan . Diyaaradaha Nooca Aan duuliyaha Lahayn ee loo yaqaan Drones Ayaa Inta Ugu Badan Ee ay ku shaqeeyaan waxay tahay Nidaamkan GPS-ka

Comments
Post a Comment