[ KINSI OOGLE ] SHEEKO CURIS AH

Tolow Ma Sidan Unbay Noloshu Usoconaysaa Maalmaha Bilaha Iyo Sannadaha Soo Socda . Su'aashan ayuu maanku I waydiiyaa maalin walba tobaneeyo jeer , balse jawaabta waxaa lasoo dedega Qalbiga oo isagu markasta Liddi ku ah waxa uu maanku soo jeediyo , qalbiga ayaa wali ififaalo iyo rejo ka qaba In waayuhu Hagaagayaan Wakhtiguna Uu Wanaajin Doono Kula Taliya Naftaydan Daallan . Ammintu Waa Casar Gaaban Waa Casar Qurux Lasii Hoyanaya Waxaan Salka Ku Hayyaa Kaabada Qolkaygii Yaraayyee Labada Mitir ahaa , Koob Shaaha Ayaan Kolba Inyar Firiqsanayaa Hadana Aayar Dhigayaa Waxaan Gacanta Ku hayyaa Sawir Aan Maalin Kasta Shaaha Iskaga Dajiyo oo aan sida Biyaha Kiniinka Loogu Liqo Anna Aan Shaaha Iskaga Dajiyo Nafta Ayaan Ku sabaa Sawirkan . Sawirkan Aan Maalinkasta Daawadaa Waxa Uu Kamid yahay Kumanaan Xasuusood Oo Uu la Galbaday Sannadkii Tagay Ee 2021 , oo ay kamid tahay Kinsidii Aan sida aadka ah u caashaqay waa kinsada Sawirkeeda Aan Shaaha Iskaga dajiyo . Bilawgii Sannadkaas Ayaan Is Baranay Kinsi Oogle Oo Markaas Ahayd Ardayad Dhigata Fasalka Toddobaad ee dugsiga dhexe Muddo Lix Bilood oo Aanu Is Naqaanay kaddib Waxaa Noo bilaabantay Cidhiidh ka qotodheer kii is aqoonta , Waa Xidhiidh Bilawgiisu Ka Macaanaa Malabka Balse Maanta Xasuusihiisu Igala Qadhaadhyihiin Dacarta , Waa Xidhiidh Ku Bilaabmay Rejo Iyo Hanwayni Balse Maanta Aan U arkayo Inuu Galbaday Oo Uu Xabaal Galay . Waxwalba Waxaa Ka Daran Sida Aan Kinsi Kaligeed Iskugu Koobay Iskuna Siiyay Ee aan Haweenkii Kale Uga Kibray Ugana Baydhay . Asxaabtii Faraha Badnayd ee Haweenka Ubadnaa Ee aan lahaa ayaa markaliya soo yaraaday sababtaasna Waxaa iska leh kinsman jecel inaan kaligeed la sheekaysto , kaligeed la qaato Wakhti ga .

Comments